Sunday, September 8, 2024

Geelle iyo Ergayga IGAD oo kawada hadlay xaaladda Suudaan

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay Ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Suudaan, Lawrence Korbani, si ay labada dhinac iskula eegaan qiimeynta xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Suudaan.

Colaadda ka taagan Suudaan, oo sannad jirsatay ayaa sababtay khasaaro lixaad leh, dhibaato bini aadantinimo iyo burburka kaabayaasha dhaqaalaha.

Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Geelle iyo Korbani ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la gaaro xabbad joojin deg-degga ah iyo in gargaar bini aadantinimo la gaarsiiyo dadka dhibaateysan.

Urur Goboleedka IGAD ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii xal waara looga gaari lahaa dagaallada ka socda magaalooyinka kala duwan ee Suudaan, kuwaas oo galaaftay nolosha kumanaan qof sidoo kale malaayin kale ku qasbay in ay barakacaan.

Xoghayaha fulinta ururka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu oo kulanka goob joog ahaa ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay ururka uga go’an tahay xalinta xasaradaha Suudaan iyo soo celinta guud ahaan xasiloonida gobolka.

 Deeq-bixiyayaasha caalamka oo dhawaan ku shiray Faransiiska ayaa ballan qaaday in ay Suudaan ugu deeqayaan in ka badan US$2.1 bilyan oo gargaar bini’aadantinimo si looga hortago macluusha laga cabsi qabo in ay ku baahdo dalkaas.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, ku dhawaad 25 malyan oo qof ayaa u baahan gargaar bini’aadantinimo, halka qiyaastii 3.8 malyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ay la il daran yihiin nafaqo darro.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here