Thursday, September 19, 2024

Geelle oo cambaareeyay weerarkii Liido ee ay dadka badan ku dhinteen

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii xalay ka dhacay xeebta Liido ee lagu dilay laguna dhaawacay dad rayid ah oo xiligaas nasiino u joogay xeebta.

“Mar kale in la bartilmaameedsado dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, waxey muujineysa in argagixisadu waalanyihiin ayna ka shaqeeyan kaliya rabshadaha” ayaa lagu yiri; war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jabuuti.

Madaxweyne Geelle ayaa intaas ku daray in Jamhuuriyadda Jabuuti ay sii wadi doonto taageerada hagar la’aanta ah ee ay siiso dalka Soomaaliya, si dowladdu awood ugu yeelato inay gacanta ku dhigto guud ahaan dhulka, sidoo kalena soo celiso kala dambeynti iyo u hogaansanaanta sharciga.

Jabuuti waxay Soomaaliya ka taageerta dhinacyo badan sida amniga iyo siyaasadda, waxaana gudaha Soomaaliya ka jooga ciidamo hoos taga howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya, kuwaas oo qayb wayn ka qaata dib usoo celinta xasiloonida iyo tababarka ciidamada amaanka ee Soomaaliya.

in ka badan 32 qof ayaa ku dhintay, ku dhawaad ​​63 kalena waa ay ku dhaawacmeen, weerar ay rag hubeysan ku qaadeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, habeenimadii xalay ee Jimcaha ahayd, sida uu sheegay afhayeenka Boliiska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan.

Nawaaxiga Xeebta Liido ayaa caan ku ah Hoteelo iyo Maqaayado waaweyn oo inta badan loo nasiino tago, waxaana horay uga dhacay weeraro sidaan oo kale ah.

Muddo sanado ah ayay dowladdu dagaal kula jirtay ururka Shabaab oo la aas-aasay horraantii sannadkii 2004-tii, waxaana laga saaray magaalooyin waawayn inaksta oo ay weli awood ku leeyihiin dhowr magaalo iyo dhulka miyiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here