Thursday, September 19, 2024

Geelle oo Kigali uga qaybgalay caleema saarka Paul Kagame

Kigali (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa gelinkii dambe ee Axadda ka qayb galay caleema saarka madaxweynaha Rwanda ee dib loo doortay markale, Paul Kagame.

Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Rwanda ayaa ka dhacday garoonka Amahoro Stadium ee magaalada Kigali oo ah mid ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha ee ugu weyn dalka Rwanda, iyada oo ay goob joog ahaayeen madax ka kala socotay caalamka gaar ahaan qaaradda Afrika.

Madaxweyne Geelle markii uu gaaray Kigali waxaa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Rwanda Dr. Edouard Ngirente.

Madaxweyne Geelle ayaa lagu wadaa inuu kulan gaar ah la qaato dhiggiisa Rwanda iyo qaar ka mid madaxda kale ee munaasabadda kasoo qaybgashay, gaar ah madaxda dalalka ay Jabuuti wadaagaan xiriirka iyo iskaashiga xoogan.

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa loo dhaariyay xilka shan sano oo kale ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii bishii hore ka dhacday dalkaas isagoo helay in ka badan 99 % codadkii la dhiibtay.

Xafladda caleema saarka ayaa lagu soo bandhigay dhoolatus ciidan iyo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee Rwanda.

Tani waa markii afaraad ee Kagame loo doorto madaxweynha dalkaas tan iyo sannadkii 2000 balse waxa uu xukunka dalkaas soo hayay laga soo billaabo 1994 markii Jabhadda Waddaniga ah ee Rwanda ay talada ka tuurtay xukuumaddii Hutu ee ka dambeysay xasuuqii lagu dilay 800,000 oo qof, kuwaas oo intooda badan ka soo jeeday qowmiyadda Tutsi-ga.

Kagame ayaa helay sumcad ballaaran kadib markii uu ku guuleystay dib u soo nooleynta Rwanda kadib xasuuqii 1994-kii, balse waxaa jira eedeymo loo jeediyay oo la xiriira caburinta mucaaradka iyo faragelinta colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here