Monday, September 16, 2024

Geelle oo soo bandhigay qorsha sanadeedka xukuumaddiisa

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo soo bandhigay qorsha sannadeedka xukuumaddiisa ayaa sheegay in xooga la saari doonto mashaariic waawayn oo dalka laga fuli doono dhawaan si kor loogu qaado kaabayaasha dhaqaalaha.

Siyaasadda Jabuuti ee gudaha

Hormarinta Dekadaha, dhuumaha shidaalka, la jaan qaadidda technology-ada casriga, dardargelinta dhincyada dalxiiska, caafimaadka iyo tamarta ayaa ka mid ah istiraatiijiyada uu soo bandhigay Geelle

Geelle ayaa yiri; ” Ballaarinta hawlaha dekedaha iyo qaybaha kale sida isgaarsiinta iyo tamarta ayaa ah kuwa ugu muhiimsan ee kobaca dhaqaalaha” isaga oo tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in la sahmiyo ilo kale oo lagu xoojin karo kobaca dhaqaala dalka.

“Waa in aan sii wadnaa dadaalladayada kala-duwan ee dhaqaale annagoo maal-gelinayna qaybaha muhiimka ah sida dalxiiska, beeraha, tamarta la cusboonaysiin karo iyo warshadaha yaryar,” ayuu hadalkiisa raaciyay Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa hay’adaha kala duwan ee dalkiisa ku amaanay dadaalki ay ka sameeyeen kobaca dhaqaalaha sannadka ee dhan 7% iyada oo caalamka ay ka jiraan caqabado badan oo ka dhan ah dhaqaalaha ah.

Mar uu ka hadlayay arrimaha haweenka iyo dadka qaba baahiyaha gaar ah, waxa uu wasiiradiisa ku amray inay ka shaqeeyaan sidii loo cirib tiri lahaa xadgudubyada ku salleysan jinsiga iyo faquuqa, iyada oo si buuxda haweenka looga qayb gelinayo howlaha kala duwan ee dowladda si loo helo bulsho is kaabeysa oo kawada shaqaysa horumarka guud

Waxa uu yiri, Geelle; “Howsheenu waa inaan xaqiijono wax u qabashada dadka nugul si loo hubiyo inay helaan guryo jaban loona yareeyo dhibaatooyinka soo wajaha muwaadiniinta”

Siyaasadda Jabuuti ee dibadda

Qorshaha Jabuuti ee heer gobol, ayaa aha in la xoojiyo is-weydaarsiga ganasciga iyo iskaashiga dalalka gobolka, iyada oo laga amba qaadayo heshiisyada iyo istiraatiijiyada urur goboleedka IGAD.

Madaxweyne Geelle ayaa carrabka ku adkeeyay in wadamada gobolka ay kor u qaadeen horumarinta dhaqaalaha iyo la dagaalanka caqabadaha guud sida abaaraha, colaadaha iyo argagixisada.

Jabuuti waxa kale oo ay doonaysaa in ay kordhiso saamaynta ay ku leedahay heerarka qaaradaha iyo caalamka iyada oo ku howlan midnimada caalamiga ah iyo isku-tiirsanaanta dhaqaale.

“Waddankeenu wuxuu u doodi doonaa arrimaha mudnaanta leh markaan ka qaybgalno Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee soo socota (FOCAC) iyo Shirweynaha Mustaqbalka ee New York si loo helo caalam isku dheelitiran oo loo simanyahay ” ayuu Geelle u sheegay wasiiardiisa.

Dowladda Jabuuti waxay qorsheyneysaa in ay ka mira dhaliso “Hiigsiga 2035” oo ah istiraatijiyad ay ku dooneyso in ay ku gaarto horumar isku dhafan iyada oo laga faa’iideysanayo khayraadka dabiiciga ah, si wax looga qabto dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, kallumeysiga, Tamarta, deegaanka iyo arrimaha ciyaaraha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here