Wednesday, October 30, 2024

Golaha amaanka oo ansixiyay in awoodaha howlgalka UNSOM lagu wareejiyo UNTMIS

New York (Dawan)- Iyada oo laga jawaabayo codsigii Soomaaliya ee ahaa inaan markale loo cusbooneysan muddo xileedka Howgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayuu Golaha Amaanku maanta meelmariyay qaraar holwgalkaas loogu bedelay magac cusub oo ah Howlgalka Kaalmada Ku Meel Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

Qaraarkan oo ay soo gudbisay dowladda Ingiriiska waxaa uu helay taageerada dhamaan dowladaha (15ka) joogtada ah ee Golaha Ammaanka.

Sida uu dhigayo qaraarkaan, xafiiska Qaramada Midoobay ee kaalmaynta marxaladda kala-guurka ah ee Soomaaliya ayaa shaqada billaabi doona 1-da November, 2024-ka, waxaana la filayaa in howshiisa lasoo gabagabeeyo 31ka October, 2026.

Ergayga UK u qaabilsan Qaramada Midoobay Barbara Woodward ayaa ku tilmaantay codeynta qaraarka inay ka dhigantahay “bilowga xilliga muhiimka ah ee Soomaaliya.”

Waxay intaas ku dartay in UNSOM ay kaalin muhiim ah ka ciyaartay nabadda, dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya iyo isku duba ridka kaalmada la siiyo dowladda.

Woodward waxay ballan qaaday inay taageeri doonto sidii uu howlgalkaan cusub u guuleysan lahaa si loo hubiyo marxaladda kala guurka ah iyo horumarka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsatay bishii May ee lasoo dhaafay in lasoo afjaro shaqada howlgalka xafiiska kaalmada ee ay Qaramada Midoobay ku leedahay Soomaaliya (UNSOM) kaas oo ay muddaadiisu ku egtahay dhammaadka bisha October ee 2024.

Soomaaliya waxay codsigaas ku sababaysay in ay horumar ballaaran ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, sidaas daraadeedna ay door bideyso madax-bannaanida ku aaddan horumarkeeda mustaqbalka.

Hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobey (UNSOM), waxaa lagu aas-aasay qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu ahaa 2102 soona baxay 3-dii June 2013-kii, iyada oo dhowr jeer la cusbooneysiiyay mudda xileedka Howlgalka oo hadda ku eg 31-ka October 2024.

Xafiiska ayaa siiya Dowladda Soomaaliya talooyin la xiriira nabadda, maamul wanaagga, hirgelinta dimoqraadiyadda iyo dhameystirka Dastuurka, wuxuuna sidoo kale gacan ka geysta dhowrista xaquuqda aadanaha , taageeridda kaalinta haweenka, ilaalinta xaquuqda carruurta, adkeynta hay’adaha Garsoorka iyo ka hortagga qalalaasaha horseeda kufsiga iyo tacaddiyada jinsiga ku salleysan.

Xarunta dhexe ee UNSOM waxay ku taal Muqdisho, balse waxaa jira xafiisyo kale oo ku yaalla magaalooyinka kala duwan ee Soomaaliya sida Kismaayo, Hargeysa, Garoowe, Baydhabo iyo Beledweyne.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here