Monday, September 16, 2024

Golaha Ammaanka oo beri ka shiraya xaaladda Soomaaliya

New York (Dawan)- Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay, Golaha Ammaanka ayaa beri ka shiraya xaaladda Soomaaliya, iyada oo warbixin laga dhegeysan doono Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska kaalmada ee ay Qaramada Midoobay ku leedahay Soomaaliya (UNSOM) ayaa lagu yiri; ” Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shir ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya berito oo Isniin ah tarikhduna ku 24-ka Juun saacadu markay tahay 5:00 galabnimo xiliga magaalada Muqdisho”.

Soomaaliya ayaa loo doortay horaantii bishaan in ay ka mid noqoto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka muddo laba sano ah oo ka billaabmaya 1-da January ee sannadka soo socda.

Soomaaliya waa markii labaad ee ay ka mid noqoto Golaha Ammaanka, iyada oo marki ugu horeysay ay ahayd sannadkii 1971-1972, waxaana lagu xasuustaa in ay kaalin wayn ka qaadatay difaacidda qaddiyadihii xaqa ahaa xilligaas iyo u doodidda bulshooyinkii ku hoos noolaa gumeysiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here