Thursday, September 19, 2024

Golaha Safiirada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya oo la daahfuray

Muqdisho (Dawan)- Magaalada Muqdisho, waxa laga daahfuray Gole ay ku mideysanyihiin Safiirada wadamada Carabta u qaabilsan dalka Soomaaliya, iyada oo ay goob jooga ahaayen mas’uuliyiin ka socda wasaaradda arrimaha dibadda, safiirada Carabta ee fadhigoodu yahay Muqdisho iyo marti sharaf kale.

Golahan ayaa ah mid inta badan ka dhisan wadamada dunida, waxaana loogu tala galay inuu xoojiyo isku xirnaanta howlaha wadamada Carabta iyo wadashaqaynta wakiiladooda.

Furitaanka Golahan ayaa ka mid ah qorshaha Xafiiska Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya uu ku doonayo in kor loogu qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee Carabta iyo Soomaaliya iyo sidoo kale wadashaqaynta ka dhexeysa diblomaasiyiinta Carbeed ee ku sugan Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa bogaadiyay tillaabada uu qaaday Xafiiska Jaamacadda Carabta ee lagu dhisay golahan oo ah mid ka tarjumeysa sida ay uga go’antahay dardargelinta howlaha xafiiska iyo xoojinta wadashaqaynta diblomaasiyiinta wadamada Carabta u fadhiya Soomaaliya.

” Wasaaradda, iyo dowladda Soomaaliyeedba, waxay soo dhaweyneayaan tallaabadan muhiimka ah, ee muujineysa xiisaha ku aadan dhanka howlgalka Jaamacadda Carabta ee ku wajahan arrimaha Carabta”.

Fiqi ayaa sidoo kale ka mahadceliyay mowqifa ay Jaamacadda Carabtu ka qaadatay is-afgaradkii dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland ee badda kaas oo sida uu sheegay xadgudub ku ahaa midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliyeed

“Soomaaliya mar walba waxay awood ku leedahay walaalaheeda Jaamacadda Carabta, go’aamadii ugu dambeeyay ee ay Jaamacadda Carabta kassoo saartay xadgudubyada Itoobiya ee ka dhanka ah midnimada iyo wadajirka geyiga Soomaaliyeed waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay Jaamacadda inay Soomaaliya ka taageerto qalalaasaha gudaha iyo dibadda ah ”

Wasiirka aya carrabka ku dhuftay baahida loo qabo in laga gudbo xiriirka ku dhisan kaliya diblomaasiyadda, iyada oo ay muhiim tahay in la xoojiyo isdhexgalka Carabta si looga mira dhaliyo midnimo Carbeed oo is waafaqsan.

“Waxaa naga go’an inaan xoojinno xiriirka aan la leenahay walaalaheen Carbeed si loo gaaro mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeena”

Mar uu ka hadlayay dadaallada ay dowladdu ugu jirto nabadda iyo xasilloonida gobolka, waxa uu yiri: “Haddii aan nahay Soomaaliya waxaan aaminsanahay in aan wax badan ka qaban karo arrimaha nabadda iyo xasiloonida gobolka haddii la mideeyo dadaallada dowladaha Carabta”


Dhankiisa, Danjire Cabdullaah Al-Otaibi, Madaxa Ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, ayaa carrabka ku adkeeyay doorka uu Golahan ka qaadan doono xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Carabta iyo horumarinta dhaqanka iyo afka Carabiga.

“Dhimsha Golahan waa in laga gudbo hawlaha ku kooban dublamaasiyadda oo lagu daro dhinacyo kale oo qoto dheer, kaalin mug lehna ka qaadan kara sidii loo midayn lahaa mowqifyada Carabta ee ku wajahan arrimaha Soomaalida”

Al-Otaibi, ayaa sidoo kale tilmaamay in golahan uu noqon doono madal ka shaqaysa iskaashiga dhincayada dhaqanka iyo aqoonya iyada oo ahmiyad la siinayo luqadda Carabiga.

“Golahan cusub waxa uu kor u qaadayaa awoodeena iyo wada-tashiyada la xiriira arrimaha kala duwan ee khuseeya dadkeena, waxaanu fursad u siinayaa danjirayaasha Carabta inay is dhaafsadaan aragtiyo ku wajahan caqabadaha guud iyo fursadaha jira”

Safiirka Yemen ee Soomaaliya, Danjire Faadil Cali Axmed ayaa munaasabadda ka sheegay in Golahan uu yahay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Carabta iyo wax ka qabashada arrimaha gobolka.

“Waxaan rajaynaynaa in golahan oo aynu sugeynay muddo dheer inuu ku guulaysto arrimihii loogu talagalay ee iskaashiga safiirada Carabta iyo inuu noqdo madal looga doodo arrimaha quseeya dadkeena iyo horumarkooda”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here