Mogadishu, Somalia – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur, ayaa maanta si rasmi ah dib ugu fasaxay 15 xildhibaan oo horay looga ganaaxay ka qeyb galka fadhiyada Golaha Shacabka.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in xildhibaannadan loo ogolaaday inay ka qeyb galaan kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka laga bilaabo maalinta Isniinta ee berrito ah, taariikhduna tahay 24-ka Febraayo 2025.
“Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuu go’aamiyay in dib loogu fasaxo xubnaha hoos ku xusan ka qeyb galka fadhiyada Golaha Shacabka ee Kalfadhiga 6-aad laga bilaabo maalinta Isniinta ah 24-ka Febraayo 2025,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Xildhibaannadan ayaa horey waxaa loo ganaaxay 8-dii Diseembar 2024, iyadoo Guddoonka Golaha Shacabka uu xukumay inaysan ka qeyb galin fadhiyada Baarlamaanka muddo kooban kadib markii lagu eedeeey inay ku xadgudbeen xeer hosaadka Baarlamaanka.
14 ka mid ah xildhibaanada ayaa laga mamnuucay inay kasoo muuqdaan shanta fadhi ee ugu horeeya kalfadhiga 6-aad, halka Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil lagu xukumay inuu ka maqnaado laba bilood oo fadhiyada Golaha Shacabka ah.
Xildhibaannadan ayaa ahaa kuwa aad u mucaaradayey dowladda hadda jirta iyo qaabka ay wax u wado, gaar ahaan waxay kasoo horjeedeen ansixinta shuruucda la marsiiyey Golaha Shacabka oo ay ka mid ahaayeen wax ka badalka dastuurka iyo shuruucda doorashooyinka.