Muqdisho, 7 Maajo 2025 – Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ayaa ku heshiiyay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ay soo jeediso talooyin ku saabsan xalinta xaaladda dowlad Goboleedka Jubaland, iyadoo la raacayo dastuurka iyo shuruucda dalka. Hadalkaan ayaa mid ka ahaa 10 qodob oo ka soo baxay shirkii golaha ee shalay iyo maanta Muqdisho ka socday.
Khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Jubaland ayaa ka soo bilowday xaaladda doorashooyinka dalka. Jubaland ayaa qabsatay doorasho uu ku guuleystay Madaxweynaha Axmed Maxamed Islaam, taas oo ay dowladda dhexe ka soo horjeesatay, iyadoo sheegtay inaysan ahayn doorasho sharci ah. Si kastaba ha ahaatee, Jubaland ayaa ku adkeysatay inay ku dhaqanto go’aankeedii, waxayna jartay xiriirka Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Jubaland, oo ka hadlay shirka maanta ku soo xirmay Muqdisho ee Golaha Wadatashiga Qaran, ayaa bartiisa X ku qoray in Jubaland aysan quseynin wax kasta oo ka soo baxa shirarka.
Khilaafkan siyaasadeed ayaa dib uga soo cusboonaaday markii Dowladda Federaalka ee uu Madaxweyne Farmaajo hogaaminayay ay isku fahmi waayeen xaaladda doorashooyinka, taasoo horseeday in Jubaland ay ka horyimaaddo go’aannada dowladda dhexe, iyadoo madaxweynihii hore ee Farmaajo uu siiyay Madaxweyne Axmed Islaam laba sano oo ku meel gaar ah.