Monday, September 16, 2024

Golaha Wakiillada Somaliland oo garab istaag u muujiyay Xildhibaan Abiib

Hargeysa (Dawan)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta yeeshay kulan gacan qaad sababay kaas oo looga doodayay mooshin xil ka qaadis ah oo laga keenay Xildhibaan Maxamed Abiib kaas oo shalay lagu xiray Hargeisa.

Kulanka Golaha Wakiillada Somaliland ee maanta oo ay soo xaadireen 57 xildhibaan ayaa cod loo qaaday mooshinka laga keenay xildhibaan Abiib. Natiijada codbixinta ayaa noqotay in 51 xildhibaan ay diideen mooshinka xasaanadda looga qaadayo Abiib, halka 3 xildhibaan ay ogolaadeen waxaana ka aamusay 2 xildhibaan.

Markii la shaaciyay natiijada, buuq iyo isqabqabsi ayaa ka dhashay kulanka, iyadoo qaar ka mida xildhibaanada ay isku gacan qaadeen. Xiisadan ayaa ka dhalatay kala qaybsanaan xooggan oo ka jirta gudaha golaha, taasoo qeyb ka ah khilaafyada siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka taagnaa Somaliland.

Xildhibaankan ayaa shalay lagu xiray Garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa, taasoo horay xeer ilaalinta guud ee Somaliland ay usoo jeedisay Golaha Wakiillada Somaliland inay xasaanada ka xayoobiyaan xildhibaanka

Dhacdadan ayaa sii kicisay walaaca laga qabo xaaladda siyaasadeed ee Somaliland, iyadoo ay ku soo wajahanyihiin doorashooyin madaxtinimo ee la qorsheeyey in ay dhacaan bisha November ee soo socota.

Golaha Wakiillada waxaa ka dhax jira khilaaf xoogan iyo is-maandhaaf siyaasadeed taas oo keentay inay socon waayaan howlahiisa shaqo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here