Saturday, September 7, 2024

Golaha Wasiirada oo anixiyay Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka

Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka, ka dib kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo ay maanta yeesheen.

Shuruucdan oo ay soo kala gudbiyeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ayaa muhiimad gaar ah u leh xujeyda iyo daryeelka bukaanka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoral kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalka ayaa intaas raaciyay in Golahu bogaadiyey guulaha isbadaba joogga ah ee Ciidanka Qaranka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee iskaashanaya ay ka gaarayaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo aqoon-is-weydaarsiga istiraatiijiyadeed ee Golaha Wasiirrada.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waaydii u dambeeyay xoogga saaraty meel marinta Hindise Sharciyeedka iyo heshiisyada is-afgaradka ah ee lalaa galay dowladaha kale, waxaana kulamdii lasoo dhaafay la ansixiyay heshiisyo lala galay dowladaha Turkiya, Sacuudiga iyo Itoobiya oo ku saabsanaa dhinacyada Ganacsiga, Iskaashiga Arrimaha Difaaca iyo Waxbashada Tacliinta sare.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here