Sunday, September 8, 2024

Golaha Wasiirada oo mushaarkooda ku taageeray dagaalka ka dhan ka ah A S

Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta go’aamiyay in mushaarkooda bisha lagu taageero dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-shabaab, iyada oo laga jawaabayo baaqii madaxda dowladda ee ahaa in aan loo kala harin dagaalka Al-shabaab, sida uu sheegay Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale kulankooda Khamiis laha ku ansixyay warbixinta sannad maaliyadeedka 2022 iyo afar hindisyo sharciyadeed oo kala aha; Hindisa Sharciyaadka Diiwaanka Sakada, Hindisa Sharciyaadeka Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada Iyo Cimilada, Hindisa Sharciyeedka Dib-u-eegista Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedka iyo Kahortagga Afduubka iyo Hindisa Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacyaasha.

Dhanka kaLe, Golaha ayaa ansixyay heshiis dhex maray dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo la xiriira iskaashiga dhinaca amniga.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyay heshiisyo iyo is-afgaradyo ay dowladda Soomaaliya la gashay dowladaha Itoobiya iyo Turkiga oo ku saabsan dhinacyada amniga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here