Thursday, September 19, 2024

Gubadley ma difaacan doontaa koobka kubadda cagta Degmooyinka?

Muqdisho (Dawan)- Garoonka Eng. Yariisow ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka bilaawday tartanka kubadda cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad.

Waa markii ugu horeysay ee ay ka qaybgalaan tartanka 20 koox oo xambaarsan magaca Degmo kana wada tirsan Gobolka Banaadir, kadib markii Gubadley, Daarusalaam iyo Garasbaaley loo aqoonsaday Degmooyin bishii May ee sannadkan 2024.

Dabcan waxaa qaab sharafeed uga qayb qaadneysa koobka Degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Munaasabadda furitaanka waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin ka kala socday gobolka Banaadir, dowladda federaalka iyo xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Kulanka furitaanka waxaa loo xushay Degmada Gubadley oo koobka haysta iyo deriskeeda Heliwaa. Inkasta oo derbi lagu tilmaami karay kulanka hadana waqtigii loogu tala galay waxay ciyaartu kusoo idlaatay barbar dhac, gool la’aan ah.

Inkasta oo ciyaartooyda dheeleysa ay u badanyihiin da’yar hadana waa koobka labaad ee ugu xiisaha badan tartamada kubadda cagta ee laga qabto gayiga Soomaalida marka laga soo tago tartanka Dowlad Goboleedyada oo beri samaadkii loo aqoon jiray tartanka gobollada dalka.

Berri waxaa tartanka ku ballansan degmooyinka Hodan iyo Kaaran.

Degmada Gubadley oo tartanka ka qayb gashay laba jer oo hore iyada oo aan haysan magaca degmo, mar waxa ku hartay Group-yada markii ugu dambeeyayna waxay qaaday koobka. Malaga yaaba inay difaacato koobka sannadkan?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here