Saturday, April 19, 2025

Guddiga Doorashooyinka oo ka cabanaya xaqiijinta da’da codbixiyayaasha.

Muqdisho,Soomaaliya- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa sheegay in ay la kulmeen caqabado la xiriira da’ada codbixiyayaasha inta ay wadaan diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Golaha hoose ee Gobolka Banaadir, taasoo billaawday 15 bishaan.

CabdiShakuur Abiib, xubin ka tirsan guddiga, ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee qabsatay ay ahayd xaqiijinta da’ada qofka codbixiyaha. Waxay sheegeen in ay jiraan dad da’doodu aad u yar tahay oo ka yar 18 sano, kuwaas oo doonaya in ay is diiwaangeliyaan. Si kastaba ha ahaatee, guddiga ayaa sheegay in ay raadiyaan cadeymo rasmi ah si loo xaqiijiyo da’dooda.

Waxa uu sheegay in waxyaabaha ay ku xaqiijinayeen ay ka mid yihiin in qofka uu wato kaarka dhalashada ama baasaboorka, warqadda diiwaangelinta dadweynaha, ama ay xaqiijiyaan odoyaasha dhaqanka oo ay ku raacaan shaqaalaha guddiga meesha jooga.

Haddii qofka aan u aragno in da’diisu ay ka yartahay 18 sano isla markaana ay cadeeyaan dhammaan odoyaasha meesha jooga iyo shaqaalaha, da’diisha iyo qaabkiisa sida uu yahay lagu qanco, waan u celinaynay,” ayuu yiri CabdiShakuur Abiib.

Caqabadaha uu guddiga sheegay ayaa imaanaya iyadoo guddiga doorashooyinka uu horay u sheegay in diiwaangelinta dadka aysan ku xirneyn shuruudo gaar ah, iyadoo oday dhaqameed ama hooyo xaafadda dagan ay fadhido oo ay ku filantahay si loo diiwaan geliyo, xataa haddii uusan wadan warqadaha aqoonsiga sida dhalashada, baasaboorka, ama warqadda diiwaangelinta dadweynaha, kuwaas oo dhammaantood ku cad da’da qofka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here