Monday, December 23, 2024

Guddiga Doorashooyinka lagu muransanyahay oo doortay hoggaan

Muqdisho (Dawan)- Xubanaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ayaa Cabdikariim Axmed Xasan u doortay Guddoomiye halka Saadaq Abshir Garaad loo doortay ku xigeenka guddoomiyaha.

Doorashada oo ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaa goob-joog ka ahaa wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u heshiisiinta, Cali Yusuf Cali,   guddoomiyaha guddiga Baarlamaanka ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada iyo Xisbiyadda, Mahdi Maxamed Guuleed iyo mas’uuliyin kale.

Guddigan cusub ayaa mas’uul ka noqon doona qabanqaabada iyo hagista doorashooyinka qof iyo codka ah ee laga qaban doono dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay ku doortaan hoggaankooda xiga. Guddigan ayaa ka kooban 18 xubnood, waxaana ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya 27-kii November.

Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka iyo dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa ka muujiyay diidmo ku aaddan habka loo maray dhisidda guddigan, iyagoo sheegay in aan si cadaalad ah oo waafaqsan shuruucda dalka iyo dastuurka lagu soo dhisin, isla markaana ay xukuumaddu ku leedahay saamayn buuxda.

Dhanka kale, Xukuumadda ayaa ku adkeysaneysa in dalka lagu hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah sanadka soo socda, iyadoo doorashooyinka laga billaabi doono dowladaha hoose iyo doorashada hoggaanka Muqdisho iyo dowlad goboleedyada kala ah Hirshabelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed. Xukuumaddu waxay sidoo kale qorsheynaysaa in la hirgeliyo doorashada guud ee dalka si dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay uga qeyb qaataan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here