Sunday, September 8, 2024

Guddiga TSC oo lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay Waxbarashada W/Bari Kenya

Mandheera (Dawan)- Hogaamiyayaasha Gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya ayaa ku eedeeyay guddiga adeegga Macalimiinta ee TSC in uu ku guul darreystay horumarinta heerarka waxbarashada ee Gobolka .

Hogaamiyayaasha soo jeediyay eedeynta ee kala ah xildhibaan Cabdiqaadir Xuseen (Lagdera), Aadan Daa’uud (Bariga Wajeer) iyo Yuusuf Faarax ( Galbeedka wajeer ) ayaa ku kulmay shir arrimaha waxbarashada oo uu qabtay  Xildhibaanka Faafi, Saalax Yacquub

Xildhibaanadu waxay sheegeen in ay ku dadaalayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen caqabadaha dhanka waxbarashada taasoo uu guddiga adeegga Macalimiinta ee TSC caqabad ku noqday.

Xildhibaanada ayaa intaas ku daray in guddiga adeegga Macalimiinta uu dhegaha ka furaysatay codsigoodi ahaa in Macallimiin dheerad ah oo u dhigma tirada ardayda ee sii kordhaysa iyo bedelka Macallimiintii iskaga cararay deegaanka amni daro awgeed la keeno goobaha wxbarashada

Dhanka kale, waxa ay Xildhibaanadu tilmaameen in la gaaray waqtigii Baarlamaanku uu meel marin lahaa hindise sharciyeedka yareynaya awoodda baaxadda leh ee guddiga adeegga Macalimiinta, taas oo ay ku eedeeyeen dhibaatooyinka waxbarashada ee Gobolka Waqooyi-Bari.

10-kii sano ee la soo dhaafay tirada Macallimiinta aan deegaanka u dhalaan ee ka baxsaanaaya Gobolka sababo la xiriira amni darro ayaa keentay in Macallimiin la’aan baahsan ay soo wajahdo dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ee deeganaada Waqooyi-Bari.

Sannadkii hore ayay ahayd markii  in ka badan 120 Macallin ay diideen in ay xaadiriyaan Dugsiyadii ay wax ka dhigayeen xilli ardayda ay isku diyarinayeen imtixaanaadka qaran ee dalka Kenya.

Macallimiinta aan u dhalan deegaanka ee usoo shaqa tagi jiray ayaa cabsi daran soo foodsaartay ka dib weerarkii Jaamacada Gaarisa ee 2015 kaas oo lagu dilay 148 arday.

Saameynta weerarkaas ayaa keentay in Gobolada Waqooyi-Bari ee Kenya ay ku timaado hoos u dhac dhanka tayada waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here