Monday, September 16, 2024

Guddoomiye Jawaari oo Muqdisho ku geeriyoday

Muqdisho (Dawan)- Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Jawaari ayaa laba jeer oo kala duwan soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka, inkasta oo aysan u suurta gelin inuu dhamaysto muddadii labaad xilkiisa kadib markii ay isku dhaceen madaxweynihii xiligaas Farmaajo, waxa uuna kaalin wayn kasoo qaatay dib u dhiska dowladnimada iyo arrimaha dastuurka.

Madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa si isku mid ah uga tacsiyeyay, waxeyna Ilaah uga baryeen inuu Jannada ka waraabiyo, ehelka iyo qaraabadana ka siiyo samir iyo iimaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay Jawaari inuu ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska qaranka

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehel iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo muddo dheer u soo shaqeynayey qarankeenna, dhaxal wanaagsanna uga tagay, isagoo door muuqda ka soo qaatay dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya”. ayuu yiri, Madaxweyne Xasan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa shaqsi wakhti badan usoo huray dowladnimada Soomaaliyeed mudo aad u badanna Qaranka usoo adeegay.

“Innaa lillaah wa innaa ileehi raajicuun illaahey ha u naxriisto Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waa uu ahaa oday iyo siyaasi cimrigiisa inta ugu badan kusoo qaatay u adeegida Qaranka Soomaaliyeed,sidoo kalena kaalin weyn ka qaatay dhisida dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu Shacabka Soomaaliyeed ku dhex lahaa taariikh aan la iloobi doonin.

Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, isaga oo sheegay in Qaranka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uu maanta ka baxay tiir aad muhiim ugu ahaa dowlad dhiska Soomaaliyeed. Waxa uu ku tilmaamay Marxuum Jawaari in uu ahaa siyaasi waayo arag ah oo muddo ka badan 60 sano ka soo shaqeeyay dowladnimada Soomaaliya, isla markaana ay ku gaamurtay maamul dowladnimo oo dhameystiran.

Madaxweynihii xilligii kumeel gaarka, Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale ka mid ah siyaasyiinta uga tacsiyeeysay shacabka Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay Jawaari, waxa uuna ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook in Marxuumku taariikh mug weyn ku lahaa ummada Soomaaliyeed dhexdeeda, isaga oo gacan ka gaystay dib u qorida dastuurka dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo billaawgii xilligiisa uu Jawaari ahaa Guddoomiye Baarlamaan ayaa bulshada Soomaaliyeed iyo qoyskiisaba la wadaagay tacsi.

Farmaajo ayaa sheegay in Marxuumku inta badan noloshiisa usoo adeegayey shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed, isaga oo door muhiim ah ka soo qaatay dowlad dhiska dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here