Thursday, September 19, 2024

Guudlaawe oo dhagax dhigay mashaariic laga fulinayo Jalalaqsi

Hiiraan (Dawan)- Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) maanta dhagax dhigay dhowr mashaariic oo laga fulinayo magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Mashaariicda la dhagax dhigay ayaa kala ah; Xarunta Maamulka Degmada, Saldhig Boliis, Suuqyada Ganacsiga iyo Xoolaha, Maxkamadda Degmada, Dugsi Hoose, DHexe (Tardo), Nalalka Cadceeda, Iskoolka Xanaannada Carruurta, Dayactirka Buundada iyo Daah-furka Mashruuca Taakulaynta Bulshada Nugul oo ay ka faa’iideysan doonaan 5,000 oo qof muddo 2-sanno ah.

Sidoo kale, Cali Guudlaawe ayaa kormeeray Isbitaalka Guud ee magaalada Jalalaqsi, Garoonka Diyaaraddaha, iyo Buundada waxana uu socod ku maray labada qeyb ee magaalada si uu ugu kuur galo nolosha dadka

“Dhammaan mashaariicdaas si dhaqso ah ayay halkan uga fulayaan. Waxaan soo arkay sida uu u shaqeeyo Isbitaalka waana loo dhammeystirayaa agabka ka maqan.” ayuu yiri; Guudlaawe

Degmada Jalalaqsi ayaa ka mid ah degmooyinka ugu taariikhda dheer Gobalka Hiiraan waxana ay degmonimo qaadatay sannadkii 1970-kii.

Madaxweyne ku-xigeenka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, xubno Baarlamaanka, Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa ka qayb qaatay munaasabadda lagu dhagax dhigay mashaariicdan cusub.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here