Thursday, September 19, 2024

Hargeysa oo Muqdisho ku eedeysay inay ka dambayso xiisadda Sanaag

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedysay dowladda Soomaaliya inay ka dambeyso xiisaddii kasoo cusbnootaay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ee ay ku dhinteen dhowrka qof.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mustafe Cabdi Ciise ayaa warbaahinta u sheegay in Soomaaliya ay dooneyso in la iska hor keenayo bulshada ku wada nool gobolka Sanaag, iyada oo howshaas u xilsaartay Axmed Karaash si loo carqaladeeyo doorashooyinka madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda ee lagu wado inay dhacaan 13ka November 2024ka.

Agaasimaha ayaa yiri; ” Si looga hortago doorashooyinkeenna waxa maamulka Muqdisho ee Xasan Sheekh ku talo-galay in laga rido dagaal gobolka Sanaag waxaanay u xil saareen Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Axmed Karaash oo muddooyinkii dambe ka soo hanjabayay meelo ka mid ah gobolllada Sanaag iyo Sool”

Agaasimaha ayaa ku eedeeyay Axmed Karaash inuu ka dambeeyay shantii qof ee lagu dilay deegaanka Goof ee gobolka Sanaag iyo geel badan oo la dhacay.

Dhanka kale waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka go’antahay ilaalinta xasiloonida iyo nabadda iyada oo sidoo kale la difaacayo muwaadiniinta reer Somaliland ee lagu soo duullay, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Maamulka kumeel gaar ah ee Khaatumo ayaa Somaliland ku eedeyay dilka ninkii ganacsada ahaa ee xalay lagu dilay magalaaada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag iyo shaqaaqooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolkaas.

“Waxa uu maamulka Khaatumo cambaareynayaa socdaalkii dagaal hurinta ahaa ee horjoogaha Somaliland ku yimid magaalada Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag” sidaas waxaa warbaahinta u sheegay mas’uul ka tirsan maamulka SSC Khaatumo.

Baaqa xukuumadda Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay xiisadda ka cusboonaatay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, waxeyna wax laga xumaado ku tilmaamtay khasaaraha ka dhashay shaqaaqooyinkii ugu dambeeyay.
Wasaaradda ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, lagana waantoobo dhiig dambe oo daata, iyada oo wax walba laga hormarinayo badqabka nafta iyo xoolaha dadka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here