Nairobi (Dawan)- Laamaha ammaanka dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay shaqsiyaad lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dagaal beeleedyo iyo murano siyaasadeed oo ka dhacay gobolada kala duwan ee dalka Kenya, sida uu sheegay, Wasiirka Arrimha Gudaha Kenya, Kithure Kindiki.
“Hay’adaha ammaanku waxay xoojiyeen dadaalkooda si loo soo xiro loona maxkamadeeyo dhammaan horboodayaasha iyo kuwii kiciyay rabshadihii dhawaan ka dhacay gobollada dalka”. ayuu yiri, Wasiirka Arrimha Gudaha Kenya
Wasiirka ayaa intaas raaciyay in tillaabo laga qaadi doono ciddii maalgelisa ama taageerta fal dambiyeedka la xiriira dagaal beeleedyada ka dhaca gobollada Waqooyi.
“Waan ku daba jirnaa kuwa maalgeliya iyo kuwa hormuudka ka ah fal dembiyeedyada qabaa’ilka ee Rhamu (Mandera), Fafi (Garissa), iyo Marsabit” ayuu yiri, Kithure Kindiki
Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli tobonaan qof lagu dilay dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday qeybo ka mid ah gobollada Waqooyi-Bari.
In kasta oo mas’uuliyiinta iyo oday dhaqameedyadu ku baaqeen xabbad-joojin, haddana waxaa sii socda colaadda u dhaxaysa laba beelood oo wada dega degmada Rhamu ee Waqooyiga Mandheera, in ka badan laba toddobaad, waxaana ku naf waayay dad kor u dhaafaya shan qof.
Bishii hore, lix qof ayaa lagu dilay ismaamulka Garissa sababo la xiriira dagaal beeleedyo salka ku haya murano la xiriira dhul.
Barasaabka Garissa Nadiif Jaamac Aadan ayaa ku howlanaa maalmihii lasoo dhaafay shirar uu la qaadanayay oday dhaqameedyada, madaxda deegaanka , saraakiisha amaanka, iyo culumaa’uddiinka si xal waara looga gaaro dhibaatada ka taagan deegaanka.