Thursday, September 19, 2024

Hay’adda Duulista oo beenisay in la hakiyay duulimaadyadii Baydhabo

Muqdisho (Dawan)- Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya hakad ku yimid duulimaadyadii magaalooyiinka Muqdisho iyo Baydhabo, iyada oo aan la ogayn sababta ilaa iyo hadda.

Waraka qaar waxay sheegayaan in la hakiyay duulimaayada laba diyaardood oo u socday magaalada Baydhabo, iyada oo subaxnimadii hore ee maanta lagu baahiyay baraha bulshada in is hor istaaag lagu sameeyay dadkii doonayay inay u safraan Baydhabo.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa beenisay in la hakiyay duulimaadyadii magaalada Baydhabo sida ay ku sheegtay qoraal kooban oo ay soo saartay.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxa ay u xaqiijineeysaa dhammaan Shacab weynaha Soomaaliyeed in aysan jirin wax isbedel ama hakad ah oo ku yimid Duulimaad-yadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba”.

Afhayeenka Dowlad Goboleeka Koonfur Galbeed, Maxamed Cali Ibraahim ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin in dadka kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galabeed lagu ihaaneysto garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Afhayeenka ayaa dusha u saariyay madaxweyne Xasan Sheekh arrinta ka dhacday garoonka diyaaradaha, isaga oo ku eedeeyay inuu damacsanyahay dhibaatada bulshada.

Arrintan ayaa muujineysa inuu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, inkasta uu ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre uu dhawaan booqasho ku tegay Baydhabo si lo dejiyo xiisadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here