Monday, September 16, 2024

Hay’adda duulista oo ku eedeysay Somaliland carqaladeynta duulimaadyada

Muqdisho (Dawan)- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo soo saartay War-saxaafadeed ayaa ku eedeysay Somaliland in ay carqaladeysay diyaaradaha dulmara qeybo ka mid ah hawada gobolada waqooyi ee Soomaaliya.

Halkaan hoose ka akhriso War-saxaafadeedka oo dhameystiran;

Laga soo bilaabo, 11 February 2024, waxaa dhacayey xadgudubyo heerar kala duwan leh kuwaas oo ay ku kacayeen maamulka gobolada waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland, taas oo ay ku carqaladeynayeen khadadka ay diyaaraduhu isticmalaan ee dulmara qeybo ka mid ah hawada gobolada waqooyi ee Soomaaliya. Ficiladaan ayaa ka soo horjeeda shuruucda dalka u yaala iyo kuwacaalamiga ah.

Falalkaani waxay khatar galin karaan diyaaradaha iyo rakaabka isticmaala khadadka
dulmara qeybo ka mid ah gobolada Waqooyi ee dalka.
Iyadoo ay jiraan caqabadahan, dowladda Soomaaliya waxay qaaday talaabooyin lagu xaqiijinayo bad-qabka duulimaadyada dulmara qeybo ka mid ah gobolada waqooyi ee dalka, kuwaas oo kala ah:

  1. Dowladda Soomaaliya waxay soo saartay warsaxafadeed taariikhdu markay ahayd 13
    Feebarayo 2024, taas oo bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkaba loogu xaqiijinayey bad-qabka
    duulimaadka hawada Soomaaliya.
  2. Dowladda Soomaaliya mar walba waxay digniino u direysay maamulka gobolada waqooyiga
    Soomaaliya ee Somaliland si ay uga waantoobaan faldambiyeedyadaas.
  3. Dowladda Soomaaliya iyadoo tixgelineysa shuruucda duulimaadka adduunka ayay soo saartay
    wargelinno (NOTAMs) A0017/24 iyo A0019/24, kuwaas oo lala wadaagay dhammaan
    caalamka iyo hay’adaha ay khusayso, laguna xaqiijinayey in duulimaadyadu si bad-qab iyo
    amni ah ku maraan hawada goboladaas, iyadoo aanay wax saameyn ah ku yeelanin
    carqaladahani addeegii duulista hawada.


    Iyadoo ay jiraan digniinahan iyo taloobiyinka la qaaday ayay maamulka gobolada waqooyi ee Somaliland sii wadeen fal-dambiyeedyadan ka dhanka ah shuruucda duulimaadka caalamka.
    Haddaba, iyadoo ay intaas jirto, dowladda Soomaaliyeed waxay ka baaqsatay inay qaado talaabooyin kuwaan ka adag, iyadoo u tureysa shacabka Soomaaliyeed ee deegaanadaas ku nool iyo ciddii kale ee isticmaasha addeega Duulista Rayidka.

    Dowladda Soomaaliya waxay dareensan tahay in carqaladeynta ay wadaan maamulka gobolada waqooyiga ee Somaliland ay ku jiraan gacmo shisheeye, si ay u fushadaan danahooda guracan.
    Dowladda Soomaaliya waxay ka digeysaa sii socoshada falalkan.

    Haddaba, haddii ay sii socdaan talaabooyinkan faldambiyeedka ah ee lagu carqaladeynayo
    Duulimaadyada Rayidka ah ee dul mara gobolada waqooyi ee dalka, waxay dowladda Soomaaliya iyadoo ka xun ku khasbanaan doontaa inay qaado talaabooyin ad-adag oo lagu xaqiijinayo amniga iyo bad-qabka Duulimaadka Rayidka Soomaaliyeed.

    Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sharciga la tiigsan doontaa cid walba oo ku lug leh falalkan guracan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here