Wednesday, October 23, 2024

Hay’adda Duulista Rayidka oo beenisay inay jirto diyaarad shil gashay

Muqdisho (Dawan)– Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamatay wararka la isla dhaxmarayay ee sheegayay inay shil gashay diyaarad ay leedahay dowaldda Soomaaliya

Hay’adda ayaa sheegtay in warkaas yahay mid been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada

Qoraal kasoo baxay Hay’adda ayaa lagu yiri; “Hay’adda Duulista oo mas’uul ka ah kor joogtaynta diyaaradaha uu wadanku leeyahay waxay u cadaynaysaa shacabka inay wararkaasi yihiin kuwo been abuur ah oo uu soo maleegay cadowga Soomaaliya”

Qoraalka Hay’adda ayaa intaas ku sii daray, “Dhamaan Helicopteradii iyo diyaaradii kale ee ay dowlada Soomaaliya lasoo degtay labdii sano ee lasoo dhaafay waa bad-qabaan shaqadii qaran ee loogu talo galay ayeyna ku guda jiraan.”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here