Friday, November 22, 2024

Heritage: Walaaca laga qabo in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhici karto dalka

Muqdisho (Dawan)- Machadka Heritage ayaa soo saaray faallo uu ugu magac daray “𝙂𝙤𝙧𝙛𝙖𝙮𝙣𝙩𝙖 𝙂𝙤’𝙖𝙖𝙣𝙠𝙖 𝙂𝙤𝙡𝙖𝙝𝙖 𝙒𝙖𝙙𝙖𝙩𝙖𝙨𝙝𝙞𝙜𝙖 𝙌𝙖𝙧𝙖𝙣𝙠𝙖: 𝘾𝙖𝙬𝙖𝙖𝙦𝙞𝙗𝙠𝙖 𝙎𝙞𝙮𝙖𝙖𝙨𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙈𝙪𝙨𝙩𝙖𝙦𝙗𝙖𝙡𝙠𝙖 𝙎𝙤𝙤𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖,” taas oo lafagurayaa warmurtiyeedkii dhowaan kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran.

Faalladu waxay ku doodaysaa in muddo-kordhin kale oo sannad ah oo ay Golaha Wadatashiga Qaranku u sameeyeen madaxda dowlad goboleedyada, ay shaki galinayso sida ay xubnaha golahan uga go’an tahay fulinta ballanqaadkoodii ahaa in ay qabanayaan doorasho qof iyo cod ah dabayaaqada sannadka soo socda. Taasina waxa ay soo noolayn kartaa qalalaase siyaasadeed oo mar kale dalka halis galin kara, sida uu qabo Machadka Heritage.

Faalladu waxay tilmaameysa inay jiraan dhowr qodob oo shaki ku abuuraya muwaadiniinta iyo saamileyda siyaasadda kuwaas oo ay ugu muhiimsanyihiin;

  • In la fulin waayay ballan qaadki ahaa in la qabto doorashooyiin deegaan iyo kuwa dowlad goboleedyada sanadka 2024.
  • In muddo kordhin loo sameeyay qaar ka mid ah dowlad goboleedyada taas oo keeneysa inay kusriga sii joogaan iyaga oo aan haysan sharciyad ama aan lala xisaabtami karin.
  • Inuu xoogeystay abaabulka doorashooyinka qof iyo codka ah xilli la dhaafay bartamihii muddo-xildeedka madaxwaynaha
  • Maqnaanshaha laba gobol ee xubnaha ka ah dowladda faderaalka oo kala ah Puntland iyo Jubbaland, oo uu weliba weheliyo maamulka dhowaan la aqoonaday ee SSC-Khaatumo.

Dhanka kale, faalladu waxay soo jiideynaysaa talooyin dhowr ah kuwaas oo ku saaabsan jidka loo mari karo hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo, sida;

  • Abuuridda hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay
  • In Midnimada Qaranka laga hormariyo danaha siyaasadeed ee muddada dhow
  • Hufnaanta hannaanka doorashadu waa lama huraan, iyada oo aan loo eegin in doorashadu tahay mid toos ah ama mid dadban.
  • Ugu danbayn, faalladu waxay ugu baaqaysaa madaxda dowladda faderaalka iyo dowlad goboleedyadu inay mudnaanta siiyaan hufnaanta iyo xalaalnimada doorashada.

Guji lifaaqan, si aad u hesho faalladan oo dhammaystiran; https://8v90f1.p3cdn1.secureserver.net/wp-content/uploads/2024/11/Gorfaynta-Goaanka-Golaha-Wadatashiga-Qaranka-1.pdf

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here