Tuesday, October 22, 2024

Heshiis cusub oo laga gaaray joogitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya

Kampala (Dawan)- Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo ku saabsan xaaladda ciidamada (SOFA ) kaas oo qayb ka ah heshiiska is afgradka iskaashiga difaaca labada dal.

Sidaas waxaa barahiisa bulshada ku sheegay wasiirka difaaca Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ka mid ah wafdiga ku wehliya madaxweyne Xasan Sheekh booqashada Uganda.

“Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay socdaalkan waxaa ka mid ah saxiixa heshiiska xaaladda ciidamada Soomaaliya iyo Uganda oo ku saleysan is-afgaradka (MOU) ee labada dal” ayuu yiri; wasiir Cabduqaadir.

Wasiirka ayaa intaas raaciyay, heshiiskan ayaa ah mid muhiim ah maadaama uu siinayo hannaan sharci ah oo ku aaddan joogitaanka iyo howlgallada ciidamada Uganda ee Soomaaliya, kaasoo ugu horreyn looga gol leeyahay la dagaallanka khatarta joogtada ah ee argagixisada ee kooxaha sida Al-Shabaab.

Iskaashigaan milatari, waxa uu sidoo kale xoojinayaa go’aanka Uganda ee ah in ay taageerto dadaallada nabadda iyo amniga ee Soomaaliya, sida uu wasiirku ka dhawaajiyay.

Uganda, oo ah dalka ugu horreeyay ee ciidamo nabad-ilaalin u soo dira Soomaaliya sanadkii 2007, ayaa ilaa hadda Soomaaliya ka joogaan ku dhawaad 4,000 oo askari oo qayb ka ah ATMIS. Ciidamada Uganda waxay door muhiim ah ka ciyaareen sugidda amniga iyo fulinta hawlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Safarka Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa qayb ka ah booqashooyin is xigxiga oo uu ku tegi doono dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, isagoo madaxda dalalkaas kala hadli doona sidii loo dedejin lahaa qorshaha kala-guurka ATMIS.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here