Friday, October 18, 2024

Hiiraan State iyo Hirshabeelle: Is-marin waa daba dheeraaday oo xal u baahan

Hiraan (Dawan)- Muqdisho waxaa lagu dhigay dabaal deg loogu tala galay aasaaska Hiiraan State. Saqdii dhexe ee 12 bishaan October, waxaa mar qura magaalooyinka Beledweyne iyo meel kale oo ka tirsan Hirshabeele is qabsaday dabaal degga Hiiran State.

Waxay ku beegneed todobaad ka dib xafladii Hirshabeele oo dhacday 5 tii October.

Xafladahaan ayaa shidaal cusub ku shubay isdiidmadii uu la kowsaday aasaaskii Maamulka Hirshabeele oo aan wali ka soo kabsan.

8 sano oo ay dhisan tahay Hirshabeele bulshada reer Hiiraan badi waa diidan yihiin.Shirar tira beel ah oo lagu doonanay in laysku ogoleysiiyo dadka gobollada Hiiraan iyo Shabeeladda Dhexe ma guuleysan mudadaas.

Hadaba maxay salka ku heysaa diidmada reer Hiiiraan?

Gobolka Hiiraan waxa uu dhacaa bartamaha Soomaaliya waa goob istiraaji ah oo xad la leh Shabellada Dhexe, Bakool, Galguduud iyo dowlad deegaanka Soomalida ee Itoobiya, xoolaha iyo beerahana waa ila dhaqaale ee ugu waaweyn.

Bur-burkii ka dib gobolka waxa uu lahaa maamul ku dhisan qaab qabali ah, waxaana jirtay aragti ay qabeen qurba joogta iyo qorax joogta ka soo jeeda gobolka oo aheyd Hiiraan state intii lagu jiray dowlad dhiskii dalka.

May, 2010 ayay xoogeysatay rabitaanka shacabka ka dib barashadii iyo soo shaac bixitaankii nidaamka federaalka ah.

Xiligii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhisidii maamulkii ugu da’dda yaraay ayuuu yagleeyay 5ti October ee 2016 kii, isaga oo isku daray gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyada oo ay  jirtay qanacsanaan la’aan ka reer Hiiiraan ah

Heshiisyo aan qorneen oo kala qaadayay caasimadda iyo madaxweynaha dowlad goboleedka ayaa la galay, waxaana sidaa madaxweynihii ugu horeeyay ee dowlad goboleedka Hirshabeele ku noqday  Cali Cabdullaahi Cosoble oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan halka caasimadda ay noqotay Jowhar oo ah xarunta Shabeelaha Dhexe.

Heshiiskii dhismaha ee kala qaadista caasimada iyo madaxweynaha ayaa burburay xilligii madxweynihii hore ee Maxamed Farmaajo, ka dib markii Cali Guudlaawe oo ka soo jeeda Shabeelaha Dhexe uu madaxweyne ka noqday iyada oo ay wali jowhar tahay caasimadda, wali waxba iskama badalin oo madaxweyna iyo caaasimada waxaa heysta Shabeelaha Dhexe, taas oo dib usoo nooleysay saluugii hore ee reer Hiiraan.

Dib udoorashadii Xasan Sheekh, Hiiraan waxa ay mar qura soo wada jiidatay dareenka shacabka dalka iyo caalamka ka dib kacdoonkii Macawisleey ee ka dhanka ahaa Al-shabaab oo ka bilawday Hiiran, kacdoonka waxa uu garab ka helay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo qurba joogta gobolkaaas. Dagaalkaas Al-shabaab waxay uga saareen deegaanadda Bariga gobolkaas iyo qeyba kale oo Hiiraan ah, balse waxay arrinta is bedesahay ka dib xil ka qaadistii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Hirshabeele ee 18 July ee 2023 ee gudoomiyhii goblka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo hogaaminayay kacdoonkii Macaawisleyda, ka dib muran soo kala dhex galay oo ku saabsanaa maamulka dhaqaaalaha ka soo xarooda Gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte iskama waaline waxa uu qaadacay xil ka qadistaas. Isbuuc ka dibna waxa loo magacaabay madaxweynaha Hiiraan State, isaga oo ku dhawaaqay in uusan aqoonsaneyn Hirshabeele, imaan karinna mas’uul ka socda  garoonka magaaladda Beledweyne.

Madaxweyne Xassan Shekh ayaa 29ki October 2023 Cali Jeyte u magacaabay ergayga madaxweynaha u qaabilsan armaha Macaawisleyda, talaabadaas oo xiisadda dajisay, iyada oo keentay in howlgalkii Macaawisleyda uu gaabis ku yimaado. Tira dhowr jeer ayuu iska hor imaad dhex maray ciidamo kala taabacsan Hiiraan State iyo Hirshabeele waxaana ugu danbeeyay isbuucii lasoo dhaafay dhamaadkiisa.

Marka laga reebo magaaladda Beledweyne oo ay isku hayaan Hirshabeele iyo Hiiraan State dhanka maamulkeeda, bariga gobolkaas waxa uu taageere weyn u hayaa Hiiraan State, hallka galbeedka badankiis ay ka arimiyaan Al-shabaab.

Isdiidmadan soo jiitameysay mudda dheer halkee ayuu ku dhambeyn doontaa? Ma Hiiraan State mise waxa ay ku soo dhamaan doontaa maamul heshiis ah oo loo wada dhan yahay oo Hirshabeele ah?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here