Monday, September 16, 2024

Himilo Qaran oo dowladda ugu baaqay inay joojiso cadaadiska warbaahinta

Muqdisho (Dawan)- Xisbiga Himilo Qaran ayaa walaac xooga ka muujiyay cadaadiska sii kordhaya ee ay la kulmayaan warbaahinta madaxa bannaan iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga ayaa loogu baaqay dowladda inay joojiso cadaadiska iyo caburinta ay ku hayso warbaahinta madaxa bannaan iyo ururrada suxufiyiinta.

War-saxaafadeedka Xisbiga Himilo Qaran ayaa u qornaa sida soo socota;

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa xayiraadaha iyo cadaadiska sii kordhaya ee ay la kulmayaan warbaahinta madaxa bannaan iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed. Sida uu qeexaayo Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobadiisa 18aad iyo 32aad, warbaahinta iyo suxufiyiintuba waxay leeyihiin xuquuq lama taabtaan ah oo uu si cad u dhowray Dastuurka KMG ah.

Dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhanka ahaa xorriyatul qowlka, xuquuqda suxufiyiinta, iyo caqabadaha lagu hayo ururrada u dooda xorriyadda warbaahinta madaxa banana ee dalkeenna waa kuwo nasiib darro ah oo aan la aqbali karin.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu diiwaangaliyay dhacdooyin dhowr ah oo lid ku ah xorriyadda hadalka iyo saxaafadda madaxa bannaan, sida dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka ee sida sharci darrada ah loo dhisay, iyadoo la baalmaray qaab dhismeedka ku qeexan qodobka 14aad ee Wax-ka Beddelka Xeerka Warbaahinta, sidoo kale, Xisbiga Himilo Qaran wuxuu diiwaangaliyay xayiraadda la saaray Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo xarigga soo laalaabtay ee suxufiyiinta loo geysanaayo. Falalka noocaan ah waxay wiiqayaan doorka muhiimka ah ee saxaafadda madaxa bannaan ku leedahay dowlad dhiska Soomaaliya iyo wacyi gelinta bulshada.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu u xaqiijinayaa dhammaan suxufiyiinta iyo hawlwadeennada warbaahinta dalkeenna inay yihiin tiirka dimuqraadiyadda, ayna kaalin sharfan ku leeyihiin dadaalka loogu jiro dowlad dhiska dalkeen, waxayna mudan yihiin in ay si xor ah u gutaan waajibaadkooda, mana la aqbali karo in xuquuqdooda dastuuriga ah la duudsiiyo.

Waxaan ugu baaqeynaa hay’adaha dowladda federaalka in ay ka daayaan cadaadiska iyo caburinta ay ku haayaan warbaahinta madaxa bannaan iyo ururrada suxufiyiinta.

Ugu dambayn, Xisbiga Himilo Qaran wuxuu bogaadinayaa isla markaana garab taaganyahay dhammaan saxafiyiinta Soomaaliyeed ee doorka muhiimka ah kasoo qaatay dowladnimada aan maanta heysano, kuna soo shaqeeyay duruufo naf hurnimo xilli adag, waxaana alle ugu baryeynaa intii ku dhimatay halganka dowlad dhiska dalkeena inuu Jannadiisa ku irsaaqo, intii ku dhaawacantayna caafimaad sariic ah siiyo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here