Sunday, September 8, 2024

Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka iyo Xeer Nidaamiyaha NISA oo la ansixiyay

Muqdisho (Dawan)- Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta meel marisay Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka (Cyper Security) iyo Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, kadib kulankii Khamiislaha.

Agaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad ayaa Golaha Wasiirada ugu mahadceliyay meel marinta Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, isaga oo sheegay inuu soo maray dhammaan habraacyadii loo baahnaa.

” Xeer Nidaamkaan oo ahmiyad iyo faa’iido weyn u leh socodsiinta iyo horumrinta howlaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, wuxuu ka jawaabaya baahiyo taagan oo la xiriira dhaqangelinta qodobada sharciga NISA, wuxuuna xeerinaya arrimo lama huraan u ah shaqda Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay NISA.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale la horkeenay warbixinta baaxadda dhibaatada ka dhalatay roobabka iyo daadadka El-nino ee ka da’ay gobollo badan oo ka mid ah dalka, waxa ayna goluhu fareen hay’adaha ka shaqeynaya gurmadka in la dardargeliyo sidii deg-deg gurmad loola gaari lahaa meelaha uu saameynta xoogga ku yeesheen daadadka.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla markaana ciidanku hadda ku hawlan yihiin samotabixinta dadka fatahaadaha roobabku saameeyeen.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here