Thursday, September 19, 2024

Hindiya oo markale soo badbaadisay markab lagu heystay xeebaha Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Ciidamada badda Hindiya ayaa soo badbaadiyay 17 shaqaale ah oo la socday markab sitay calanka Malta kaas oo la afduubtay bishii 14-kii December, 2023

Ciidamada badda Hindiya ayaa sheegay in dhammaan 35-ka qof ee looga shakisan yahay burcadbadeednimada ee gacanta ku hayay markabka MV Ruen in ay isa soo dhiibeen kaddib howlgal ay sameeyeen oo qaatay 40- saac.

Qoraal kasoo baxay ciidamada badda ee Hindiya ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray shaqaalaha markabka inti uu socday howlgalka, iyada oo lala wareegay dhammaan hubkii ay wateen kooxda afduubka geysatay.

Howlgalka ayaa ka dhacay meel u jirta xeebaha Hindiya ku dhawaad 1400 nm (2600km) iyada oo ay ka qeyb qaateen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Hindiya.

Waa marki labaad ee ciidamada badda Hindiya ay soo badbaadiyaan markab lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya kadib markabkii kalluumeysiga ee ay soo furteen bishii January ee sannadkaan.

Ciidamada caalamiga ah ee horay u ilaalin jiray Gacanka Cadmeed ayaa u dhaqaaqay dhanka waqooyi ee Badda Cas si ay u uga hortagaan weerarada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah Maraakiibta ganaciga ee mareysa Badda Cas, taas oo fursad u siisay kooxaha hubeysan in ay afduubtaan Maraakiibta.

Kiiskii ugu horreeyay ee burcad -badeed Soomaali ah oo guuleysta tan iyo 2017 ayaa la diiwaan geliyay bishii December ee lasoo dhaafay, inkasta oo mas’uuliyiinta maamulka Puntland ay sheegeen in Doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan lagu afduubtay degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, bishiii November 2023.

Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ayaa lagu xasuustaa in ay xarun u ahayd burcad badeed ku caan baxday afduubka doomaha iyo maraakiibta maraya xeebaha Soomaaliya, iyaga oo ka qaadan jiray lacag madax furasho ah, inkasta oo la xakameeyay wixii ka dambeeyay sannadkii 2012.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here