Thursday, September 19, 2024

Hogaamiyaasha 4 dal oo Carbeed oo todobaadkan booqanaya Shiinaha

Beijing (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa shaacisay maanta oo Isniin ah in boqorka Bahrain, Xamad bin Ciisa iyo madaxweynayaasha dalaka Masar, Cabdifataax Al-Sisi, Tuunis, Qays Siciid, iyo Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyaan, ay toddobaadkan booqan doonan Shiinaha ka dib markii ay casuumaad ka heleen madaxweyne Xi Jinping.

Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Hua Chunying, ayaa sheegtay in booqashada madaxdan ay qaadan doonto 28-ka May illaa 1-da June, iyada oo ka qaybgeli doona xafladda furitaanka shirweynaha tobanaad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Shiinaha, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beijing ayaa sheegay in madaxweyne Xi Jinping uu ka qeybgali doono madasha, kana jeedi doono khudbad maalinta Khamiista ah.

Wasiirku waxa uu intaas ku datay in madaxweynaha Shiinaha uu la qaadan doono kulamo gaar gaar ah afarta hogaamiye, isaga oo kala hadli doona xiriirka Shiinaha iyo dalakooda iyo arrima kale oo quseeya gobolka Bariga Dhaxe iyo caalamka.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa tilmaamay in ujeedka madasha uu yahay sii xoojinta xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo dalalka Carabta, wuxuuna hoosta ka xariiqay in madaxdu ay mowqif mideysan ka yeelan doonaan qaddiyadda Falastiin.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli Shiinuhu uu dadaal u galay siduu uga qayb qaadan lahaa dhex-dhexaadinta Israel iyo kooxaha iska caabinta ee Falastiinyiinta oo ay hormuud ka tahay kooxda Xamaas.

Shiinaha ayaa mowqif cad ka leh qaddiyadda Falastiin kaas oo ah in khilaafka labada dhinac lagu xallin karo in Falastiiniyiintu helaan dowladnimo buuxda. Madaxweynaha Shiinaha ayaa hore ugu ku baaqay in la qabto shir caalami ah oo nabadeed, si xal waara looga gaaro colaadda daba dheeraatay ee Israel iyo Falastiin.

Bishii November ee la soo dhaafay, Beijing waxay martigelisay shir ay isugu yimaadeen wasiirrada arrimaha dibadda ee maamulka Falastiiniyiinta, dalalka Indonesia, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Urdun si ay uga wada hadlaan joojinta dagaalka ka socda Gaza iyo in laga hortago inuu kusii fido gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here