Saturday, September 28, 2024

Hogaamiyaha ay Israel ugu necbeed.. Waa kuma Xasan Nasrallah?

Beirut (Dawan)- Afhayeen u hadlay ciidamada Israel  ayaa sheegay  in Xasan Nasrallah, oo ahaa xoghayihii guud ee ururka  Xisbullaah ee Lubnaan lagu dilay duqayn ka dhacday duleedka koonfureed ee Beirut.

Nasrallah ayaa lagu dilay  duqeymo  xoog badan oo aan horay loo arag kuwaas oo  fiidnimadii Jimcaha ay diyaaradaha F-35 ee Israel  ku qaadeen xaafadda Haret Hreik, oo ah xarunta ugu weyn ee Xisbullaah ee koonfurta Beirut.

Wax yar ka dib weeraradaasi, afhayeenka ciidamada Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in weerarka lala beegsaday xarunta ugu weyn ee Xisbullah, isaga oo intaas ku daray in la bartilmaameedsaday xarumo lagu keydiyo hubka

Ilaa iyo hadda ururka Xisbullah ma qirin in la dilay hoggaamiyahooda

Nasrallah waxa uu muddo dheer bartilmaameed u ahaa  Israel , iyada oo u aragtay inuu ahaa  mid ka mid ah cadawga ugu waaweyn ee ay leedahy  Tel Aviv.

Israel ayaa  dhowr jeer isku dayday inay ku disho iskahorimaadyo hubeysan oo horay u dhacay laakiin dhammaantood waa ay ku guuldareystay .

Nasarallah waxa uu Mareykanka ugu jiray  liiska argagixisada caalamiga ah  tan iyo 1995-kii waxaana madaxiisa la dul dhigay  abaal-marin lacageed oo dhan 10 milyan oo dollar.

Waa kuma Xasan Nasrallah?

Xasan Nasrallah waxa uu ku dhashay tuulada Bazouriyeh ee koonfurta Lubnaan  bishii Agoosto 31, 1960.

Waxa uu aroosay  Faadumo Yaasiin, waxayna isku  dhaleen shan carruur ah: Haadi, Seynab, Maxamed Jawaad, Maxamed  Mahdi, iyo Maxamed Ali.

Curadkiisii Haadi, waxa lagu dilay dagaal dhexmaray ciidamada Israel 1997kii.

Nasrallah waxa uu waxbarashada culuumta diiniga  ah ka qaatay machadyada Shiicada ee Lubnaan, Ciraaq iyo Iran.

Waxa uu ku biiray dhaqdhaqaaqyadii  siyaasadeed ee Amal isaga oo xubin ka nqoday  xafiiska  siyaasadda 1979.

Kadib khilaaf soo kala dhax galay ururkaas wuu isaga tegay waxa uuna ku biiray sannadkii 1982-kii, ururka  Xisbullah oo xilligaas ahaa urur cusub.

Sannadkii 1985-kii, Nasrallah wuxuu u guuray caasimadda Beirut wuxuuna noqday ku xigeenka madaxa gobolka. Ka dib, waxa uu la wareegay madaxa fulinta, iyada oo  loo xilsaaray fulinta go’aamadii Golaha Shuurada ee ururka.

Hoggaaminta  Xisbullah

Nasrallah wuxuu noqday xoghayaha guud ee Xisbullah 16-kii Feberaayo, 1992-kii, kaddib markii Isarel duqeyn ku dishay   hoggaamiyihii isaga ka horreeyay Cabbaas Al-Musawi.

Nasrallah waxa uu xoojiyay howlgalladdii ururka ee ka dhanka ahaa Israel taas oo keentay inay ciidamadeeda kala  baxdo koonfurta Lubnaan sannadkii 2000 kaddib 22 sano oo ay haystay.

Sannadkii 2004-tii, waxa uu kaalin  muhiim ah ka qaatay wada-xaajoodkii soo deynta  maxaabiis ay haysatay Isarel kuwaaas oo isagu jiray muwaadiniin Lubnaan ah  iyo kuwa kale oo  Carab ah.

Doorkii uu ku lahaa xaqiijinta ka bixista Israel  ee koonfurta Lubnaan waxa uu ku mutaystay magaca “hogaamiyaha iska caabinta,” wuxuuna magaciisa kor usii kacay dagaalkii dambe ee Israel la gashay Xisbullaahi sannadkii  2006.

Qudbadihiisa xammaasadda leh iyo inuu caan ku ahaa ka hadalka arrimaha Falastiin waxay usii kordhiyeen inuu magac weyn ku yeesho  caalamka Carabta iyo dunida Islaamka.

Si kastaba ha ahaatee, magaca  Nasrallah ayaa hoos u dhacay kadib markii xisbigiisu taageeray  Madaxweynaha Suuriya markii dalkaas uu ka billowday kacankii looga soo horjeeday maamulka dalkaas  2011-kii.

Mar kale waxa uu magaciisu soo labakacleeyay markii uu billowday dagaalka Gaza sanadkii hore ee 2023, isaga oo ku dhawaaqay inay garabtaaganyihiin kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta.

Dilkiisa ayaa ku soo beegmaya iyadoo Faransiiska iyo Mareykanku ay kordhiyeen dadaallada lagu dhexdhexaadinayo xabbad-joojin ku meel gaar  ah oo 21 maalmood ah oo dhexmarta Israel  iyo Xisbullah, ujeeddadeeduna tahay in loo gogol xaaro xal diblomaasiyadeed oo lagu joojinayo dagaallada ka socda  Lubnaan iyo Gaza.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here