Monday, September 16, 2024

Hogaamiyaha mucaaradka Uganda oo la dhaawacay iyo xiisad ka taagan dalkaas

Kampala (Dawan)- Robert Kyagulanyi, oo loo yaqaan Bobi Wine ahna hoggaamiyaha ugu weyn ee mucaaradka Uganda, ayaa dhaawac culus ka soo gaaray kadib markii ska hor imaad uu dhex maray ilaaladiisa iyo ciidamada Boliiska sida uu sheegay xisbigiisa.

Is rasaasaynta uu ku dhaawacmay Bobi ayaa ka dhacday waqooyiga caasimadda Kampala.

Sawir lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Kyagulanyi oo garbaha ay ka hayaa laba nin, isagoo si degdeg ah loola cararay isbitaal si loogu daaweeyo dhaawiciisa.

Boliiska ayaa sheegay in dhaawaca Kyagulanyi uu ka dhashay kadib markii uu turunturooday isagoo gaarigiisa raacaya, balse arrintan ayaa keentay isku dhacyo hor leh oo u dhexeeya taageerayaashiisa iyo boliiska.

Robert Kyagulanyi, oo markii hore ahaa fanaan caan ah, ayaa sannadihii dambe isku beddelay mucaarad firfircoon oo si adag uga soo horjeeda madaxweynaha muddada dheer xukunka hayay ee Uganda, Yoweri Museveni. Kyagulanyi ayaa kaalinta labaad ka galay doorashadii 2021 oo uu kula tartamay Museveni, oo hadda 79 jir ah.

Dhaawaca Kyagulanyi ayaa laga cabsi qabaa inay sii huriso xiisadda siyaasadeed ee Uganda, ee u dhaxeysa mucaaradka iyo dowladda.

Xukuumadda Museveni ayay mucaaradku iyo dadka u ololeeya xuquuqul insaanka ku eedeeyeen inay caburinayso mucaaradka, arrintaas oo uu Museveni beeniyay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here