Monday, September 16, 2024

Hogaamiyihii afgambiga fashilmay ee Bolivia oo xabsiga loo taxaabay

La Paz (Dawan)- Taliyihii hore ee ciidamada Bolivia Juan José Zuniga, oo isku dayay inuu afgambiyo Madaxweyne Luis Arce ayaa gacanta lagu soo dhigay, kadib markuu fashilmay afgambigi, waxaana lagu bilaabay baaritaano arrintaas la xiriira.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Zuniga oo lagu qasbayo inuu raaco gaari Boliis ah si loogu geeyo xafiiska xeer ilaalinta, kaas oo durba furay dacwadiisa ku saabsan isku daygii afgambiga.

Warbaahinta dalkaas oo soo xigtay wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Johnny Aguilera ayaa sheegtay in afgambiga fashilmay uu ka dambeeyay Taliyihii hore ee ciidamada, isaga oo jebiyay dastuurka dalka.

Isku dayga afgambiga ayaa bilaabmay galabnimadii Arbacada, markii taangi uu uu saarnaa Zuniga uu soo galay qasriga madaxtooyada ee caasimadda La Paz, waxaana ka hortegay ilaaladii madaxtooyada oo ku qasbay inuu si degdeg ah ula laabto ciidaamdiisa.

Beesha Caalamka ayaa cambaareysay isku dayga afgambiga iyo tillaabada ay qaadeen qayb ka mid ah ciidamada dalkaas.

Ciidamada isku dayay afgambiya ayaa saacado kadib ku laabtay xarumahooda, iyada oo lagu dhawaaqay in uu fashimay afgambigii la doonayay in lagula wareego xukunka.

Madaxweynaha dalkaaas oo khudbad u jeediyay shacabka ayaa yiri; ” Ma jirto cid naga qaadi kara dimuqraadiyadda aan ku naalooneyno. Haddaan nahay Bolivia waan ka guuleysan doonnaa dhammaan kuwa isku dayay afgambiga.”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here