Saturday, September 7, 2024

Hoggaamiyihii Shirkadda Wagner ee Ruushka oo ku geeriyooday shil diyaareed

Moscow (Dawan)- Warbaahinta Ruushka iyo caalamka ayaa baahiyay in Yevgeny Prigozhin uu ka mid ahaa dad saarnaa diyaarad xalay ku dhacday bannaanka magaalada caasimadda ee Moscow.
Diyaaradaan oo duulimaadkeedu ahaa mid gaar ah ayaa kasoo duushay magaalada Moscow waxa ayna ku socotay magaalada kale ee Saint Petersburg.
Mas’uuliyiin Ruush ah oo shilka kadib hadlay ayaa sheegay in cidna aysan ka bad-baadin dadkii saarnaa diyaaradda.
Kooxaha gurmadka ayaa gaaray goobta shilku ka dhacay waxaana laga daawaday warbaahinta Ruushka diyaaraddii uu saarnaa hoggaamiyaha shirkadda Wagner oo burburtay.
Yevgeny Prigozhin oo ahaa 62 jir ayaa lahaa maqaayado caan ah oo sameeya cunnooyinka iyo cabitaanada marka ay munaasabad rasmi ah ka jirto madaxtooyada Ruusha ee Kremlin-ka.
Prigozhin iyo Putin labaduba waxay ka soo jeedaan Saint Petersburg, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Ruushka, waxaana laga yaabaa in xiriirkoodu soo bilowday sagaashamaadkii, markaas oo Putin uu ka shaqaynayey xafiiska duqa magaalada Saint Petersburg.
Prigozhin kama qaban xil rasmi ah dowladda Ruushka laakin waxa uu ahaa nin saameyn weyn ku leh siyaasadda iyo mas’uuliyiinta Ruushka.
Hogaamiyahaan ayaa ciidamo uu watay bishii June isku dayeen inay xukunka ka tuuraan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, inkasta oo markii dambe ay ka laabteen weerarkii ay kusoo qaadeen caassimadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here