Monday, September 16, 2024

Horumarinta iskaashiga dhaqaale ee Jabuuti iyo Shiinaha

Shanghai (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka qaybgalay Madasha Ganacsiga Shiinaha iyo Jabuuti, oo ka dhacday magaalada Shanghai sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Faceboogga ee madaxweynaha  Jabuuti.

Madaxweynaha waxaa safarkiisan ku wehelinayay wefdi heer sare ah, oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Guud ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Maamulka Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah ee Jabuuti (APZFD), iyo dhowr ganacsato Jabuutiyaan ah, oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Caalamiga ah ee Jabuuti (CICI).

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabisay Maamulka Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah ee Jabuuti (APZFD) ayaa qayb ka ahayd hawlaha la xiriira Shirweynaha 9-aad ee Iskaashiga Dhaqaalaha ee Shiinaha iyo Afrika, kaas oo lagu wado inuu ka furmo magaalada Beijing maanta.

Madashan ganacsi oo loogu talagalay in lagu soo bandhigo faa’iidooyinka istiraatiijiyadeed ee Jabuuti sida xarumaha ganacsi iyo maalgashi waxaana ka qaybgalka dhanka China Duqa magaalada Shanghai, iyo 350 ganacsato oo Shiinees ah.

Madaxweynaha Jabuuti oo khudbad ka jeediyay madashan, ayaa tilmaamay awoodaha gaarka ah ee dhaqaalaha Jabuuti, isaga oo si gaar ah u xusay horumarka kaabayaasha iyo aagagga xorta ah, kuwaas oo siinaya fursado faa’iido leh shirkadaha caalamiga ah. Madaxweynaha ayaa tusaale u soo qaatay Aagga Xorta ah ee Caalamiga ah ee Jabuuti, oo uu ku tilmaamay mid ku dayasho mudan sida hindisaha Shiinaha ee loo ayqaano Belt and Road Initiative.

Madaxweyne Geelle wuxuu sidoo kale sheegay in Jabuuti ay leedahay marin u suurtagelinaya in ganacsiyada ay gaaraan suuqyada muhiimka ah, gaar ahaan Suuqa Guud ee Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA, oo ka kooban in ka badan 500 milyan oo macaamiil ah.

Shirkaan ayaa imaanya iyadoo dowladaha Shiinuhu ay si weyn ugu lug leedahay horumarinta kaabayaasha muhiimka ah ee Jabuuti, oo ay ku jiraan dekedaha iyo waddooyinka tareenka, taas oo ka dhigtay Jabuuti xarun muhiim ah oo isku xirta Afrika, Aasiya, iyo Yurub.

Dowladaha Jabuuti iyo Shiinaha ayaa iska kaashada dhinacya badan sida caafimaadka, waxbarashada, ganacsiga, maalgashiga, waxeyna dhawaan dib u cusbooneysiiyeen iskaashigooda dhinaca caafimaadka, iyaga oo kala saxiixday heshiis la xiriira arrimaha caafimaadka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here