Monday, September 23, 2024

Hubanti la’aan ku xeeran xilliga uu hirgelayo is-afgradka Itoobiyo iyo Somaliland

Hargeysa (Dawan)- “Ma garanayo waqtiga dhabta ah” Sidaas waxaa TV-ga Al-Carabiya u sheegay mas’uulka ugu sarreeya Somaliland Muuse Biixi Cabdi  mar la waydiiday xilliga heshiis  loo bedelayo is-afgaradkii uu la galay Abiy Axmed.

Arrintan waxay sii xoojisay hubanti la’aanta ku xeeran xilliga uu hirgelayo is-afgradka Itoobiyo iyo Somaliland oo hadda laga joogo muddo sagaal bilood ah.

Intii ka dambeysay ku dhawaaqistii is-afgaradka ma dhicin kulamo kale oo heer sare ah, lamana qaadin tillaabo u gogol xaareysa ujeedooyinkii heshiiska.

Qorshaha Abiy Axmed

Sida ay dad badan aamisanyihiin, Abiy Axmed ma doonayo inuu ku degdego dhamaystirka heshiiska inta ay ka dhamaanayaan laba arrin:

  1. Wadahdalka u socda Muqdisho iyo Addis Ababa: is-afgaradku waxa uu  Abiy Axmed u yahay wax uu ku gorgortamo marka la joogo wadahadallada uu kula jiro Soomaaliya, natiijada kasoo baxdana waxay saameyn ku yeealn doonta is-afgaradka.
  2. Doorashada Somaliland: Wax yar ayaa ka haray qabsoomidda doorashada madaxtinimo ee Somaliland, waana qodob kale oo saameyntiisa wata, sidaas darteed Abiy ma doonayo inuu ka hor dhaco doorashada.

    Dhaqdhaqaayada ka socda gobolka

Is-fahanka Somaliland iyo Itoobiya ee ay isku waydaarsanayaan aqoonsi iyo bad,  waxa uu xiisad ka abuuray gobolka Geeska Afrika oo marki horaba la daalla dhacayay colaado kala jaad ah, faragelin shisheeye,  iyo masiibooyiin dabiici ah.

Soomaaliya iyo Itoobiya waxay qarka u saaranyihiin inay foodda is daraan, marka la eego hadalada ay warbaahinta isku marinayan, dhaqdhaqaayada ciidan iyo mowqifyada ay ka aaminsanyihiin qaddiyadda badda.

Eritrea waxay xiratay aaggeeda, oo way ku dhaqmaysayaa mabda’ ah “ biyo intaysan kusoo gaarin ayaa la iska muusaa”

Masar warkeeda waa cadyahay, oo waxay hiil iyo hooba la garab taagantahay Soomaaliya, waxayna u argata inay heshay fursad ay Itoobiya  uga  mashquulin karto dhamaystirka biya xireenka wabiga Nile oo Masaarida uga dhigan “ Nolol ama Geeri”

Jabuuti iyo Kenya;  labadaba dhegta ayaa u taagan balse waxay rajo ka qabaan in  xiisadda lagu qaboojin karo hannaan diblomaasiyadeed.

Dadaallada Turkiga

Ankara  laba jeer ayay martigelisay wafuud ka socotay Soomaaliya iyo Itoobiya inkasta oo wadahadalaldii ay yeesheen aysan kasoo bixin natiijo ka duwan in markale la kulmo.

Turkidu hadda waxay doonayan inay hanaan cusub ku wajahaan wareegga seddexaad ee wadahadallada kaas oo ka cadaadis adag kuwii hore, iyaga oo ka faa’iideysanaya cashiradii ay ka barteen kulamadii hore ee kusoo dhamaaday gacma daalis.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here