Thursday, September 19, 2024

IGAD oo Soomaaliya ka codsatay inay kaalin ka qaadato joojinta colaadda Suudaan

Muqdisho (Dawan)- Xoghayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu oo maanta Muqdisho ku tegay booqasho rasmi ah ayaa Soomaaliya ka codsaday inay kaalin ka qaadato sidii Suudaan markale loogu soo celin lahaa ururka iyo wax ka qabashada colaadda ka taagan dalkaas in ka badan laba sano.

Gebeyehu ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay wada qabteen wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.

” Waxaan ku faraxsanahay inaan Soomaaliya u dhiibo mas’uuliyadda ah inay nagu caawiso sidii aan walaalaheen Suudaan dib ugu soo celin lahayn IGAD” sidaas waxaa yiri; Gebeyehu

Xoghayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD ayaa xusay in kumanaan qof oo Soomaali ah uuna ka mid yahay Fiqi iyo malaayin kale oo Itoobiyan ah inay wax kusoo barteen dalka Suudaan, hadana la joogo xilligii la gudi lahaa abaalkaas.

” Wasiirka waxaan ka codsaday inuu naga caawiyo xallinta khilaafaadka iyo dagaalka ka socda Suudaan. Waa mas’uuliyad wayn, waxaana kalsooni ku qabnaa Soomaaliya inay howshaas uga soo bxii doonto si hufan” ayuu hadalkiisa raaciyay.

 Dowladda Suudan ayaa ku wargelisay urur Goboleedka IGAD bishii January ee lasoo dhaafay in ay hakisay xubinnimadeeda ururka Bariga Afrika, kadib markii hoggaamiyaha Ciidamada Taageerada Deg-degga ah (RSF), Maxamed Xamdaan Daglo lagu casuumay shir- madaxeedkii ururuka ee lagu qabtay Kampala.

Madaxda Suudaan ayaa u arka inay Soomaaliya uga habboontahay madaxda kale ee gobalka marka ay timaado in lawada hadalsiiyo dhinacyada ku dagaalamaya dalkaas.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa dhawaan sheegay in dariiqa kaliya ee dagaalka Suudaan lagu soo afjari karo inuu yahay hannaan wadahadal ah, isaga oo ugu baaqay labada dhinac inay wadafadhiistaan miiska wadaxaajoodka si looga gudbo colaadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here