Monday, September 16, 2024

Ilhaan Cumar: Blinken waa lagu soo bahdilay Israel

Washington (Dawan)- Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa sheegtay in Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Anthony Blinken lagu soo bahdilay, sida ay hadalkeeda u dhigtay booqashadii uu ku tegay Israel si uu ugala soo hadlo xabbad joojinta dagaalka Gaza iyo heshiiska is dhaafsiga maxaabiista.

Hadalkaan ayay ka sheegtay xilli ay Chicago shir jaraa’id ku wada qabteen xildhibaanad kale oo lagu magacaabo Cori Bush.

Ilaah ayaa tiri; ” Hadda is weydiiya. Sidee wasiirkeena arrimaha dibadda ugu safri karaa Israel 11 jeer si uu uga baryo inay joojiso dagaal aan anagu (Mareykanku ) dhiibeyno hubkiisa”

Waxay intaas raacisay: “Sideen uga xishoon weynay bahdilkan ay la kulmaan mas’uuliyiinta maamulkeenna? In la yiraahdo waxaan ixtiraameynaa sharciga caalamiga ah kaliya maahan munaafaqnimo laakiin sidoo kale waa ceeb.”

Ilhaan ayaa sidoo kale ku dhalleeceysay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden inuusan qaadin tillaabo lagu joojinayo dagaalka ay ku tilmaamtay inuu yahay “xasuuq” ee ay Israel ka geysaneyso Gaza.

“Biden waxa uu sheegay inuu si hagar la’aan uga shaqaynayo in la gaaro xabbad joojin. Ka xishoo naftaada markaad hadalladaas dhahayso waayo hubka dagaalka ayaan bixinaa” farrintaasna waxay Ilhaan u dirtay Biden

“Haddii aad si dhab ah u dooneysaan in dagaalku joogsado, joojiya hubka aad u direysaaan Israel” ayay markale tiri, Ilhaan Cumar.

lhaan Cumar oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, waxayna ku guuleysatay xubinimada Aqalka Wakiilada ee Gobolka Minnesota bishii November 2016, iyada oo noqotay haweeneydii ugu horeysay ee Muslim ah oo ka mid noqota golaha sharci dejinta ee Mareykanka.

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 321-ad, waxaana ku dhintay in ka badan 40 kun iyo 223 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 92,981 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 635 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 970 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here