Monday, September 16, 2024

Imaaraadka Carabta oo diyaarad gargaar ah u dirtay Itoobiya

Addis Ababa (Dawan)- Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqday, , inay diyaarad gargaar ah u dirtay Itoobiya, taasoo qayb ka ah ka jawaabidda masiibadii Isniintii ka dhacday gobolka Gofa ee koonfurta dalkaas kadib markii uu go’ay dhulka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa lagu yiri; “Iyadoo la fulinayo amarka madaxweynaha Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, waxaa diyaarad gargaar ah loo diray Itoobiya si wax looga qabto masiibadii dhul go’a,”.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Iskaashiga Caalamiga, Reem bint Ibrahim Al Hashemi, ayaa tilmaamtay sida ay Imaaraadka Carabta uga go’antahay inuu taageero dalalka saaxiibada ah xilliyada xasaradaha iyo masiibooyinka.

Wakaalladda Wararka Itoobiya oo soo xiganaysa Guddiga Maareynta Masiibooyinka ayaa sheegtay in dhulka go’ay uu sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Gofa Isniintii la soo dhaafay.

Ku dhawaad 250 qof ayaa dhintay, waxaana halis ku jira dad ka badan 6,000 oo qof kuwaas oo ay lagama maarmaan tahay in loo raro goobo kale.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo ay la socdaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Abadula Gemeda ayaa booqasho ku degay deegaanka ay masiibadu ka dhacday, iyaga oo la kulmay qaar ka mid ah eheladda ay dhibaatadu soo gaartay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here