Sunday, March 16, 2025

Duqeyn Imaaraadka fuliyey oo lagu dilay 25 Daacish ah

Bari, Puntland – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in duqeyn xalay ka dhacday deegaanka Miraale ee gobolka Bari lagu dilay ugu yaraan 25 dagaallame oo ka tirsan kooxda Daacish ee ka howlgasha gobolka.

Qoraal kasoo baxay howlgalka la dagaallanka argagixisada Puntland ayaa lagu sheegay:
“Duqeyn ka dhacday deegaanka Miiraale ee Buuraha Calmiskaad ayaa lagu dilay 25 dagaallame oo ka tirsanaa haraadiga argagixisada ISIS kuwaas oo isku aruursanayey.”

Puntland ayaa xaqiijisay in duqeynta ay fuliyeen ciidamada dowladda Imaaraadka Carabta oo gacan ka helayay howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland. Goobta la duqeeyay ayaa lagu tilmaamay xarun ay Daacish ku urursaneyd.

Intaa waxaa dheer, ciidamada Puntland ayaa howlgal dhulka ah ka fuliyay deegaanada Kalriyaad, Saax, iyo Madaah ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku yaallaan saddex ceel-biyood oo muhiim u ah dadka deegaanka. Ciidamada ayaa sheegay inay burburiyeen xarumo ay Daacish ka howlgali jirtay.

Howlgalkan ayaa imaanaya laba maalin kaddib markii ciidamada Puntland ay sheegeen inay si buuxda ula wareegeen deegaanka Sheebaab, oo horey loo sheegay inay ahayd xarunta ugu weyn ee Daacish ee gobolka.

Puntland ayaa dagaal xooggan kula jirta kooxda Daacish ee Soomaaliya, iyada oo howlgalladii ugu dambeeyay ay sheegtay in ay khasaare xooggan gaarsiisay kooxda. Tan iyo dhammaadkii bishii December, ciidamada Puntland ayaa dagaallo ka waday buuraleyda Calmiskaad si ay uga saaraan kooxda Daacish.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here