Monday, September 16, 2024

Imtixaanaadka dusgisa Sare oo ka billaawday inta badan gobollada dalka

Muqdisho (Dawan)- Maanta oo Sabti ah waxaa inta badan gobollada dalka ka billawaday imtixaanaadka shahaadiga dusgisa Sare kaas oo socon doona ilaa 28-ka bishan, iyada oo Ra’iisul wasaree Xamsa Cabdi Barre ka daah-furay magaalada Muqdisho.

Arday gaareysa 37,038 oo ka kala socota 803 Dugsi, ayaa u fadhiisatay imtixaanaadka kuwaas oo ku geli doona 139 xarumood oo ku yaalla 36 Degmo, sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada ee dalka.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in 2870 shaqaale ah oo isugu jira kormeerayaal iyo Macallimiinta in ay ka qayb qaadanayaan ilaalinta Imtixaanka, iyada oo amniga ay sugi doonaan ciidan Boliis ah oo gaaraya 2176 oo isagu jira Saraakiil iyo Askar.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in xukuumadiisu ay dadaal badan gelisay hormarinta waxbarashada iyo sidii loo gaarsiin lahaa dhammaan deegaanada kala duwan ee dalka gaar ahaan gobolladii lagala wareegay kooxda Al-shabaab.

Xamsa ayaa yiri; ” Meelo badan oo xagga amniga dartiis sannadihii hore noo suurtoobin in imtixaanaadka la geeyo ayaa imtixaanka la geeyay. Arday tira badan oo intii hore aad uga badan ayaa fursad u heshay in ka qayb qaadato sannadkan. Meelo ay mamnuuc ka ahayd in waxbarasho looga hadlo ayaa maanta intixaanaadka looga fadhiyaa.

Magaalada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud ayaa kamid ah goobaha lagala wareegay kooxda Al-shabaab ee maanta looga fadhiistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee Dalka.

Sidoo kale, waxaa muddo ka badan 30 sano kadib maanta looga fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaadeyso dowladda federaalka Soomaaliya magaalada Buuhoodle.

Maamulka Khaatumo, waxaa imtixaanaadka Shaadiga ah ee Dugsiga Sare u fadhiisanaya maanta arday gaareysa 1154 arday oo ka kala socda 17 Dugsi.

Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo waxaa maanta markii ugu horreysay looga fariistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 12-aad kaas oo dowladda Soomaaliya ay qaadeyso, sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashadu.

Waxaa xusid mudan in Dowlad Goboleedka Puntland ay si gooni u qabsatay imtixaanaadka Dusgiga Sare oo ay sannadkan u fadhiisteen ilaa 6,415 arday. Sidoo kale Somaliland ayaa iyaduna had iyo jeer si ka madax bannaan Soomaaliya u maamusha arrimaha waxbarashada ee deegaanadeeda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here