Sunday, September 8, 2024

Imtixaanka fasalka 12-aad oo ka billowday deegaanada DDS

Jigjiga (Dawan)- Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ayaa maanta si guud uga billowday deegaanada kala duwan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaana daah-furay Madaxwe ku xigeenka, Ibraahim Cusmaan Faarax

Imtixaanka waxaa ka qayb qaadanaya arday gaareysa 22,692 oo Arday kuwaas oo isagu jira araday imtxaanka uga jawaabeysa habka warqadaha ah iyo kuwa qaabka online-ka uga qayb qaadanaya.

13,993 Arday waxay imtixaanka looga qaadaya Cilmiga bulshada, sida uu sheegay xafiiska warbaahinta u qaabilsan Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaana ka mid ah goobaha imtixaanka lagu gelayo xarumaha Jaamcadaha ee kala ah Jigjiga University, Qabridahar, Diredawa iyo Dilla University.

Xukuumadda Deegaanka Soomaalida oo hiigsaneysa kor u qaaddida iyo tayaynta adeegga waxbarashada ayaa sanadkii hore ansixisay qorshayaal muhiim u ah manhajyada ay aradaydu wax ku baranayaan iyada oo Dugsiga Dhexe laga dhigay in ardaydu ay wax ku bartaan luqadda English-ka.

Kaliya 3% ardayda dhigata Dugsiyada Sare ee Itoobiya ayaa baasay imtixaanaadkii dugsiga sare ee sannadkii hore si ay ugu gudbaan Jaamacadda iyo Waxbarashada sare, waxaana ka dhashay dood iyo hadal hayan keentay in baaritaan lagu sameeyo hannaanka waxbarashada dalkaas.

Macluumaadka aan helnay, waxa ay muujinayaan in Ardaydii u fariisatay imtixaanka Dusigsa Sare ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ay gaarayeen ilaa 22,000, waxaana gudbay oo kaliya 74 arday.

Sida laga soo xigtay UNICEF, Itoobiya waxay samaysay horumar weyn oo xagga waxbarashada aasaasiga ah ee caalamiga ah sannadihii u dambeeyay, iyadoo 88.7% carruurta waddanku ay galeen Dugsiga Hoose sannad dugsiyeedkii 2021-2022.

Iyada oo sidaas ay tahay ayaa hadana waxaa jira caqabad kale taas oo ah in ardaydaas aysan sii wadanin waxbarashadooda Dugsiga Sare ilaa Jaamacadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here