Thursday, September 19, 2024

In ka badan 10 qof oo lagu dilay weeraro ka dhacay Itoobiya

Addis Ababa (Dawan)- Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weerar koox hubaysan ay ku qaadeen degmada Abe Dongoro oo hoostagta gobolka Oromia ee dalka Itoobiya todobaadkii hore.

Qof goobjoog ah oo la hadlay warbaahinta dalkaas ayaa sheegay in todobadii bishaan August, xilli ay ku beegneed abaare 8:30 AM, weerar uu ka dhacay meel loo yaqaan Miriga oo ay ku sugnaayeen dad u socday suuqa wayn ee gobolka Oromada.

“Kooxda dilka geystay oo la sheegay inay ka tirsanyihiin jabhadda Fano, waxay dileen shan qof, laba kalena way dhaawaceen,” Sidaas waxaa warbaahinta u sheegay ganacsade ka badbaaday weerarka.

Waxa uu intaas ku daray in dadka la dilay ay ka mid ahaayeen laba haween ah oo lagu kala magacaabi jiray Hawi Kabada iyo Warkine Beyena.

Weerar kale ayaa ka dhacay isla maalintaas tuulada Charu, halkaas oo 8 qof lagu dilay, waxaana falkaas ka dambeeyay shakhsiyaad xirnaa dirays u eg kan Boliiska gobolka Oromada

Ketema Wakuma oo ah guddoomiyaha degmada Abe Dongoro, ayaa ku eedeeyay jabhadda Fano inay mas’uul ka tahay weerarkaas iyo siddeeda qof ee lagu dilay tuulada Charu.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in saddex qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen weerarka ,kadibna loo qaaday Isbitaalka Abe Dongoro oo hadda lagu daweynayo.

Wararka ayaa intaas ku daraya inuu dhintay qof ku dhaawacmay weerarka tuulada Charu maalintii xigtay.

Guddoomiyaha degmada Abe Dongoro ayaa xaqiijiyay in la la’yahay ilaa iyo hadda sarkaal ka tirsan Boliiska oo dhowaan loosoo magacaabay tuulada ka hor inta aanu weerarku dhicin, waxaana laga cabsi qabaa in la afduubtay.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ciidamada Fano ay gudaha u galeen Abe Dongoro iyagoo soo maraya degmada Gida ee dhinaca bari ee Wellega.

Weerar seddexaad oo ka dhacay tuulada Haro Shoote ee degmada Horo,9 August ayaa sababay dhimashada laba qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen dad intaas kasii badan.

Warbaahinta gudaha dalka Itoobiya ayaa soo warineysay maalmihii ugu dambeeyay in xaaladda amaan ee galbeedka Oromia gaar ahaan Horro Guduru Wollega ay sii xumaanaysay iyada oo ay soo noqnoqdeen iska horimaadyada hubeysayn ee ka dhaca halkaas kadib markii hub fara badan uu gacmaha u galay dadka deegaanka

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here