Friday, September 20, 2024

In ka badan 20 qof oo ku dhimatay doon kula degtay bartamaha Afrika

Bangui (Dawan)- Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay kadib markii doon ay la socdeen ay ku degtay wabiga Mboko ee magaalada Bangui ee caasimadda Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Wakaaladda wararka ee Associated Press oo soo xiganaysa dad goob joogayaal ah ayaa tiri “in ka badan 20 qof ayaa ku dhintay kadib markii doon ay la socdeen ay ku degtay wabiga Mboko ee bartamaha Afrika”.

In ka badan 300 oo qof ayaa saarnaa doonta oo ka sameysneed alwaax, waxeyna u socdeen in ay ka qeybgalaan aas ka dhacayay caasimadda Bangui, markii uu shilku dhacay Jimcihii.

Qaar ka mid ah kalluumaysatada wabiga ayaa ugu horrayn u gurmaday dadkii ay waxyeeladu soo gaartay, waxayna meydadka ka soo saareen wabiga ka hor inta aysan halkaas soo gaarin ciidamada gurmadka.

Adrian Musamo, oo ka mid ah kalluumaysatadii ka qayb qaadatay samatabbixinta, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press, “Ugu yaraan 20 mayd ayaa la helay, waxaana sugeynaa ciidamada awoodda u leh inay yimaadaan.”

Wakaaladda oo soo xiganeysa mas’uuliyiin ka tirsan Xarunta Isbitaalka Jaamacadda Bangui ayaa sheegtay in tiradu kasii badnaan karto maydadka la helay.

Dowladdu waxa ay sheegtay in baaritaan dhameystiran la sameyn doono kadibna lala wadaagi doono dadweynaha khasaaraha ka dhashay iyo waxyaabaha sababy.

Qeybaha bulshada rayidka ah iyo xisbiyada siyaasadda ayaa tacsi u diray qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay, waxayna ku baaqeen in baaritaan lagu sameeyo doonta degtay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here