Saturday, September 7, 2024

In ka badan 200 oo qof oo ku dhintay Koonfurta Itoobiya

Addis Ababa (Dawan)- Tirada dadka ku dhintay deegaanka Gofa ee Koonfur Itoobiya ayaa kor u dhaaftay 229 qof sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan deegaanka.

Arrintan ayaa timid kadib markii uu dadkaan la go’ay dhulka maalintii Isniinta, waxaana lagu jira baadi goobka dad kale oo la aaminsayahay inay ku jiraan dhulka hoostiisa.

Sida la xaqiijiyay, dadka dhintay ayaa isagu jira 148 rag ah iyo 81 haween ah, waxaana dadkaas ka mid ah macalimiin, khubaro dhanka caafimaadka iyo beeraha ah iyo shaqaalaha gurmadka oo goobta usoo gaaray inay dadka u fidiyaan caawinaad.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa tacsi u diray dadkii ay dhibaatadu soo gaartay, wuxuuna ballan qaaday in dowladdu qaban doonto wixii karaankeeda ah ” aad ayaan uga xunahay khasaarahan foosha xun.” ayuu yiri; Abiy Axmed.

Horaantii bishaan, dowladdu waxay ka digtay khatarta fatahaadaha iyo masiibooyinka kale ee ka dhalan kara roobabka ka socda gobollada Koonfurta iyo caasimadda Addis Ababa.

Ururada bulshada iyo hay’adaha kala duwan ayaa ka qayb qaadanaya dadaallada lagu doonayo in lagu badbaadiyo dadka inkasta oo ay wajahaan dhibaato ka haysata dhanka agabyada loogu tala galay in wax looga qabto xaaladaha nuucaan oo kale.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa uga tacsiyeyay Itoobiya masiibadii ka dhacday deegaanka Gofa ee ay ku dhinteen dadka tirada badan, wuxuuna sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay ka qayb qaadashada badbaadinta dadka dhibaatadu soo gaartay.

“Waxaan diraynaa tacsi tiiraanyo leh xilligaan adag. Waxaan diyaar u nahay inaan sida ugu macquulsan uga qayb qaadano taageerada iyo caawinadda”. ayuu Geelle kusoo qoray bartiisa X

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here