Sunday, September 8, 2024

in ka badan 30 qof oo cudurka duumada ugu dhintay Itoobiya

Addis Ababa (Dawan)- Mas’uuliyiinta caafimaadka ee dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in cudurka duumada uu ka dillaacay gobolka Oromada, ka dib markii ay diiwaangeliyeen 36 dhimasho ah labadii bilood ee la soo dhaafay.

Dadkaan u dhintay cudurka duumada ayaa laga diiwaan geliyay deegaanada Begi iyo Kondala oo ka tirsan gobolka ay colaaduhu ragaadiyeen ee Galbeedka Wollega ee ismaamulka Oromada.

Lata Banti, oo ah madaxa xarunta caafimaadka ee degmada Begi, ayaa Warbaahinta gudaha u xaqiijiyay dhimashada 36 qof, isaga oo xusay in cudurku kusii faafayo deegaanka.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa ka dalbaday dowladda Dhexe iyo hay’adaha caalamiga ah in garagar dawo oo deg-deg ah lasoo gaaraan gobolka si loo badbaadiyo nolosha dadka.

Cudurkan ayaa saameeyay dadka ku nool 16 deegaan oo ka tirsan gobolka Oromada , iyada oo kor u kac ku yimid tirada oo ku dhacay marka loo eego sannadkii hore, sida uu sheegay Jawar Qassem, madaxa waaxda caafimaadka Oromia.

Cudurkaan ka dillaacay gobolka ayaa kusoo beegmaya iyada oo 42-da xarumo caafimaad ee degmada Begi oo loogu adeegi jiray in ka badan 100,000 oo qof, la bililiqaystay ama loo geystay burbur.

Arrintaan ayaa keentay in bukaanda qaba cudurka duumada heli waayaan dawo iyo goobo wax looga qabto cudurkooda.

Ma cadda sababta xarumaha caafimaadka loo buburiyay, qaarkoodna loo bililiqeystay , balse gobolka waxaa ka dhacay rabshado, kuwaas oo ay dowladda Itoobiya ku eedeysay Jabhadda Xoreynta Oromada.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay, kumanaan qoysna waa ku bara kacaeen colaadda ka dhacday gobolka Oromada

Jabhadda Xoreynta Oromiya (OLF) iyo Oromo Liberation Front (OLA), oo labaduba la aas-aasay 1970-meeyadii, ayaa dagaal kula jira dowladda oo ay ku eedeeyeen in ay si xun ula dhaqanto dadka kasoo jeeda deegaanadaas.

Dawladda Itoobiya waxay hadda OLF u aragtaa xisbi siyaasadeed oo sharci ah, laakiin OLF waa “koox argagixiso”.

Dalka Itoobiya waxa sidoo kale hadda ka dillaacay cudurka daacuunka oo dilay in ka badan 200 oo qof illaa 2-dii Agoosto, sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA.

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ayaa sheegay in ku dhawaad ​​400 oo bukaan oo cusub la dhigay xarunta daawaynta daacuunka todobaadkii labaad ee Sebtembar, taasoo ka dhigan in boqolkiiba 50 ay korortay marka loo eego toddobaadyadii hore.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, cudurka daacuunka, oo ah shuban ba’an , ayaa saameeyay in ka badan 1.7 milyan oo qof oo ku nool dalkaas.

Sidoo kale, Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya ayaa sheegtay in ugu yaraan 30 qof ay ugu dhinten gobolka Gambella ee dalka Itoobiya gaajo iyo nafaqo darro, kadib markii laga joojiyay raashinkii gargaarka ahaa ee loogu tala galay qaybo ka mid ah xeryaha qaxootiga ee gobolkaas.

Colaado iyo dagaallo ayaa jiray qaar ka mid ah gobollada Itoobiya sannadihii lasoo dhaafay, waxeyna sii kordhiyeen dhibaatada fariga, shaqo la’aanta iyo dhaqaala xumida guud ee ka jirtay dalka Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here