Sunday, September 8, 2024

In ka badan 50 tahriibayaal ah oo lagu qabtay xeebaha Morocco

Rabat (Dawan)- Ciidamada Ilaalada Xeebaha Morocco ayaa sheegay Talaadadii, inay ku qabteen xeebaha koonfureed ee dalkaas 55 tahriibayaal ah kuwaas oo kasoo kala jeeda dalalka Africa.

War-saxaafadeed kasoo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in dadkaan lagu qabtay magaalada Laayoune xilli ay doonayeen in ay u gudbaan jasiiradaha Canary ee maamul ahaan hoos tagta Spain.

Dadka la qabtay ayaa loo fidiyay gargaar caafimaad, waxaana lagu wareejiyay hay’adaha ku shaqada leh dadka sida sharci darrada ah kusoo gala dalka Morocco.

23-kii January, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Morocco ayaa ku dhawaaqday inay fashilisay 75,184 isku dayo socdaal kuwaas oo ahaa sharci darro intii lagu guda jiray 2023, taasoo ah koror 6% a marka loo eego 2022.

Wasaaradda ayaa tiri: “In ka badan 419 shabakadood oo dadka tahriibiya ayaa la burburiyay sannadkii la soo dhaafay (2023), waana koror 44% ah marka loo eego 2022.”

Waxaa soo badanayay waayadii ugu dambeysay dadka kasoo jeeda dalalka Africa ee Morocco usii maraya Qaaradda Yurub si ay u helaan nolol dhaanta tan dalalkooda oo ay ka jiraan colaado sababay amni xumo iyo dhaqaala xumo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here