Antalya (Dawan)- Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa jimcihii daah furay shirki saddexaad ee Madasha Diblomaasiyadeed ee Antalya, iyadoo halku-dhig looga dhigay ” Kor u qaadidda Diblomaasiyadda, xilliyada xasaradaha”, waxaana goob joog ahaa wakiilo ay ku jiraan Madax ka kala socotay dalal kor u dhaafay 100.
Madasha waxa looga doodaya arrima fara badan oo hadda ka taagan caalamka sida isbeddelka cimilada, argagixisanimada, dhibaatada dhanka cuntada iyo diblomaasiyadda.