Muqdisho (Dawan)- Dowladda Ingiriiska ayaa ugu deeqday £5 milyan Soomaaliya si loogu taageero xasiloonada iyo ciidanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab.
Lacagtaan loo qorsheeyay in wax looga qabto ammaanka Soomaaliya ayaa la shaaciyay kadib kulan dhex maray La taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali iyo ku xigeenka La taliyaha Amniga UK ee Arrimaha Caalamiga, Dame Sarah MacIntosh.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarinta laamaha amniga, la dagaallanka kooxda Al-shabaab, iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska.
Lacagtaan ayaa ka mid ah deeqaha joogtada ah ee dowladda Ingiriisku ku bixiso laamaha amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, si ciidamadu u helaan taageero dhanka caafimaadka, hoyga iyo cuntada.
La taliyaha Amniga UK Dame Sarah MacIntosh ayaa tiri “Iskaashiga amniga ee UK iyo Soomaaliya waxa uu muhiim u yahay xasilinta iyo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka”
waxey intaas raacisay sida ay uga go’antahay dowladeeda in taageero loo fidiyo dowladda soomaaliya si looga shaqeeyo xasilinta goobihii lagala wareegay Al-shabaab, iyada oo tiri.
“Ingiriisku wuxuu sii wadi doonaa taageeridda dadaallada ay Soomaalidu hormuudka ka tahay ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo soo celinta xasilloonida meelaha lagala wareegay”
Deeqdaan lacageed ee ay bixisay dowladda Ingiriiska ayaa kusoo beegmeysa laba todobaad kadib markii dowladda Mareykanku ugu deeqday Soomaaliya 2 milyan oo dollar si loo sii xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.