Sunday, September 8, 2024

Iran oo rajo ka muujisay dib usoo nooleynta xiriirka Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Safiirka Iran u fadhiya Kenya, Cali Gholampour ayaa rajo ka muujiyay dib usoo nooleynta xiriirka Soomaaliya kadib dhowr sano oo uu hakad galay.

Hadalka safiirka ayaa kusoo beegmay kadib markii ay dowladda Soomaaliya xabsiga kasii deysay 33 muwaadiniin u dhashay Iran kuwaas oo laga soo qabtay xeebaha Soomaaliya 2023, iyaga oo si sharci darri ah uga kalluumaysanaya badda Soomaaliya, waxaana lagu xakumay ganaax lacageed.

Safiirka Iran ayaa sheegay in go’aanka ay Soomaaliya kusii deysay muwaadiniinta dalkiisa inuu ka qeyb qaadan doono abuurista jawi wanaagsan oo dib loogu soo celinayo xiriirkii laba geesoodka ahaa, isla markaana u gogol xaaraya wada hadal wax ku ool ah oo dhex mara Iran iyo Soomaaliya.

Cali Gholampour ayaa carrabka ku dhiftay in labada dal ay iska kaashan karaan dhanka horumarinta kallumeysiga, ilaalinta amniga badaha iyo in aysan soo noqonin in kalluumeysato kasoo jeeda Iran aan mar kale lagu xirin gudaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid ahayd dowladihii u jaray xiriirka diblomaasiyadeed Iran kadib markii khilaaf xoogaan soo kala dhex galay dowladaha Sacuudiga iyo Iran, inkasta oo ay Soomaaliya ku eedeysay Iran inay ku howlaneed xilligaas sidii ay Soomaaliya ugu faafin lahayd Madhabka Shiicada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here